Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Tobabar u furay ilaa 50 Suxufi oo ka kala socda Gobolada Somaliland.

0
161

Hargeysa(Waaheen)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa tobabar socon doona mudo seddex cisho ah u furay ilaa 50 suxufi oo ka kala socda Gobolada Dalka.
Munaaasibada Furitaanka Tobabarkan oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka kala socotay Wasaarada Warfaafinta iyo Hay’aha Madaxa Banaan ee Warbaahinta somaliland, Masuuliyiinta Ururka SOLJA iyo Taageeraysay Tobabarkan ee VIKES oo fadhigeedu yahay Finland.

DSCF5755
Furitankii waxa Khudbado kala gadisan ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada War Faafinta Marwo Shugri oo ku dheeraaday Ahmiyada ay Wariyeyaasha u leeyiin Aqoon iswaydaarsigani oo kale.
DSCF5723DSCF5772DSCF5794DSCF5808solja

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here