Ururka Suxufiyiinta Solja Oo Tababar U Furay Suxufiyiin Kala Duwan

0
451

Hargeysa(SDN)Ururka suxufiiyinta somaliland ee marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaaan Solja oo kaashanaya hayada Free Press ayaa maanta tababar lagaga hadlayo Abuurida qorshe hawleedka xoriyada warbaahinta u furtay suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlagasha Somaliland kaasi oo ka furmay huteel guuleed ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi galinta Maxamed Muuse Abees, Gudoomiyaha dalada aan dawliga  ahayn ee Sonsaf Mustafe sacad dhinbiil, gudoomiyaha ururka Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto iyo waliba dadkii loo furay kulan hawleedkani.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Solja Yaxye Maxamed Cabdi oo sheegay in ay ururka Solja u taagan yahay sidii ay dadka ka shaqeeya saxaafada ay aqoontooda kor ugu qaadi lahayeen kobcin lahayeena aqoonta ay u leeyihiin xeerarka kala duwan ee dalka iyo waliba ka xakameeya Suxufiyiinta.

 

Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) kaasi oo sheegay in ay tahay in warbaahintu ay ogaadaan in ay xaq u leeyihiin helida warka iyaguna ay ku dabaqaan anshaxa saxaafada waxaanu xusay in uu tobobarkani uu daaran yahay sidii ay warbaahintu u fahmi lahayd helida warka iyo xuquuqda suxufiga taasi oo kala badbaadinaysa wariyaha iyo hayadaha kala duwan ee laga helo warka.

 

Gudooomiyaha daladaha aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo tababarada kala duwan ee Solja ay u qabato suxufiyiinta si ay kor ugu qaado aqoontooda suxufi nimo kaasi oo madaxda sare ee Solja ku bogaadiyey hawlahaasi ay hayaan waxaanu sheegay in ay ka faaiidaystaan suxufiyiintaasi loo furay tababarku aqoonta halkaasi laysku waydaarsanayo.

 

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay furayna Kulan hawleedkaasi wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta Maxamed Muuse Abees kaasi oo sheegay in ka xukuumad ahaan aanay wariye danbe xidhayn wana mari doonaan sharici waxaanu xusay in dawladu mar kasta diyaar u tahay sidii ay xogaha kala duwaan ay ula wadaagi lahayd warbaahinta kaasi oo dhalinyaradii goobta ka soo qayb gashay ku booriyey in ay fahmaan in dawladu markasta diyaar u tahay siinta xogta warbaahinta gebo gebadiina waxa u furay shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here