Ururka Suxufiiyinta Somaliland Oo Tababar Ku Saabsan Afka Hooyo Iyo Curinta Talmoon Hargeysa Uga Furtay Suxufiyiinta Magaalada Hargeysa

0
305

Hargeysa(SDN)Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta somaliland u furay aqoon is waydaarsi balaadhan oo lagu lafo gurayo sidii kor loogu qaadi lahaa Afka Hooyo iyo curita amaba eray bixinta soomaaliga ayaa lagu qabtay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay oo Aqoon is waydaarsigaas ka furay Wasiirka warfaafinta somaliland C/raxmaan C Guribaraawo, Masuuliyiinta Ururka Solja Qaar ka mid aha warbaahinta kala duwan ee somaliland.

 

Waxa halkaasi ka hadlay oo shirka Furay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi-galintaC/raxmaan C. Guribaraawo kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay afkeena hooyo waxaanu xusay in ay mihiim tahay sidii kor loogu qaadi lahaa erey bixinta iyo curinta afkeena si bulshada akhrisata warbaahinta kala duwan ay u helaan luuqad tayaysan waxaanu si rasmi ah u furay Kulan hawleedkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here