Ururka SOLJA oo kulan balaadhan u qabtay qorshaha sadexda sanno ee soo socda

0
192

Hargeisa(SDN)Kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta,
DSCF2332 wacyigalinta iyo dhaqanka Shugri xariir, wakiilo ka socda Hay’adaha warbaahinta taageera sida, Free Press, APD, SONSAF, NEGAD, UN, SONYO iyo khubaro reer Somaliland ah oo ku xeel dheer saxaafadda ayuu Ururka SOLJA uga furmay Hotelka Guuleed, kaasoo lagu faaqidayo isla markaana lagu Ansixin doono qorshe hawleedka sadexda sano ee 2015-17.
Qorshe hawleedkan ayaa lagu soo bandhigay ujeedada Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kaasoo uu faahfaahin ka bixiyey Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, waxaanu sheegay in Ururka u baahan yahay qorshe cad oo uu ku shaqeeyo muddo xileedka Hogaanka cusub ee SOLJA, waxaanu soo bandhigay daraasad ay ku sameeyeen sida uu Ururka u doonayo in uu u waajaho samatabixinta dhibaatooyinka horyaala saxaafadda.

DSCF2363 DSCF2362
Guddoomiyaha Ururka SOLJA waxa uu sheegay in hogaanka cusub qorsheeyeen Lixda bilood ee sanadkan inay sameeyaan baahiyaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin suxufiyiinta kala duwan ee Somaliland, isagoo xusay in SOLJA ay ku Guulaysatay inay joojiso xadhigii xukuumaddu kula kici jirtay Suxufiyiinta, waxaanu xusay inay iska kaashadeen Wasaaradda warfaafinta, Xeer ilaalinta guud iyo Booliisku.

DSCF2371 DSCF2372
Sidoo kale, waxa uu sheegay in qorshihi tayaynta xarunta SOLJA iyo tababaro ay ku qabteen Goboladda Dalku wax weyn ka bedeleen dhaqdhaqaaqii laga filayey Hogaanka cusub, waxaanu ugu baaqay masuuliyiinta iyo khubarada ka qayb qaadanaysa dajinta qorshaha sadexda sano ee soo socda inay u jeexaan wado cad oo uu ururku ugu adeego Suxufiyiinta iyo Bulshada Reer Somaliland.

DSCF2376
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed ayaa sheegay in ay xafiis ahaan ku shaqaynayaan Xeerka Saxaafadda iyo shuruucda kale ee Dalka, isla markaana ay tixgalin siiyeen in aan suxufiga la xidhin illaa Waaran Maxkamadeed ay Booliisku usoo qaateen, ama ay Dacwadiisa ku qaadaan isagoo banaanka jooga Suxufigu.

DSCF2369
Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud waxa uu sheegay in aanay masuuliyiinta Dacwaysa Wariyayaasha ka aqbalin in la isaga xidhi suxufiga, hase yeeshee ay Maxkamadda horkeenaan si uu u cadaysto ama isaga difaaco Eedaha loo soo jeediyey, maadaama sharciga loo siman yahay, waxaanu ku faanay inay wasiiro badan horkeeneen Maxkamadda si uu isku difaaco.

DSCF2362
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu cadeeyey intii hogaanka cusub ee SOLJA la doortay in uu yaraaday khilaafkii u dhaxeeyey Saxaafadda iyo Xukuumadda, isla markaana si wadajir ah ay uga shaqeeyaan kiisaska dhaca oo ay u xaliyaan.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Shugri Xarriir ayaa ka hadashay waajibaadka Suxufiyiinta Somaliland looga baahan yahay, waxaanay ku dheeraatay ilaalinta Wadaniyadu inay tahay waajibaadka koowaad ee Suxufi kasta looga baahan yahay, iyadoo xustay in ay Suxufiyiinta Somaliland ka fogaadaan wax kasta oo uu cadawgu uga faa’iidaysan karo war baahintooda.

DSCF2356 DSCF2380 DSCF2381
Wasiir Shugri waxay sheegtay Xukuumad ahaan in ay diyaar u yihiin inay saxaafadda horumariyaan, iyadoo sheegtay madaxda qaranka intooda badani inay diyaar u yihiin taageerida Saxaafadda, waxaanay sheegtay suxufigana in looga baahan yahay dhex dhexaadnimo iyo in uu warar Run ah ka sheego wararka iyo dhacdooyinka kala duwan ee khuseeya xirfadooda.

DSCF2389
Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa aqoonyahanada ka qayb qaadanaya dajinta qorsha horumarineed ee Ururka SOLJA ku hagi doono sadexda sano ee soo socda saxaafadda Somaliland ayaa sheegay inay suxufiyiintu noqdaan kuwo danyarta iyo dhacdooyinka ku xeeran aragti fog u yeesha isla markaana aanay ku mashquulin siyaasadda oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here