Ururka Jamacadaha Carabta Oo ku Dhawaqay Inay Xubin Ururkasi Ka Mid Ah U Aqonsaden Jamacada Magaalada Burco

0
167

Hargeysa(SDN)Wafti balaadhan oo ka socda ururka jaamacadaha carabta isla markaana uu wahelinayo agaasimaha Tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa dalka somaliland ayaa maanta socdaal ku tagay jaamacadda guud ee magaalada burco.

Waxaana ujeedada ay waftigani u tageen jaamacadda magaalada burco ay ahayd sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen xaaladda waxbarasho ee jaamacadda iyaga oo xubnahanina mid mid u booqday qaybaha kala duwan ee jaamacada maagalada burco ka kooban tahay.

 

 

Xubnahan ka socday ururka jaamacadaha carabta ayaa waxay warbixino kala duwan ka dhagaysteen macalimiinta iyo maamulka jaamacadda burco,iyaga oo maamulka jaamacadduna warbixino ka siiyay xaalada waxbarasho ee jaamacadaha magaalada burco iyo tayadda aqooneed.

 

Intaas kadib xubnahani ka socday ururka jaamacadaha carabta ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay jaamacadda burco u aqoonsadeen xubin kamida ururkaasi iyaga oo sheegay inay diiwaanka ururka ku dari doonaan isla markaan la shaqayn doonaan kan dabooli doonaan baahiyaha jaaamacadda.

1234

 

 

Ramaasnews-desk
ramaasnews@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here