Ururka Dhalinyarada MABDA Oo Ka Hadlay Xaalada Dhalinyarada Somaliland Iyo Qodobo Caqabad Ku Ah Da’Yarta Soo Kacaysa

0
320

Hargeysa( SDN) Madasha badbaadada dhaliyarada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (MABDA ) oo goordhawayd shir jaraayid ku qabtay Magaalada hargeysa kuwaasi oo baaq iyo waliba talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey dhalinyarada Somaliland, xukuumada iyo waliba bulsho weynta kale ee reer Somaliland.

Ururkan oo ah mid ay ku bahoobeen dhalinyarada aqoonyahanka da’da yare eek u nool Somaliland, ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha ururka MABDA Liibaan Cabdi Xasan Waxaanu ku dheeraaday caqabadaha badan ee haysta dhalinyarada reer Somaliland kaasi oo ku tilmaamay in ay xukuumadu ka gaabisay badi wax ka qabashadeeda.

 

 

Waxaana hadaladisii ka mid ah ‘’ Hadaba sida aynu wada ogsoonahay dhalinyaradu waa asaaska iyo laf dhabarta horumarka ee ay umadi ku faanto, sidaa daraadeed markaanu aragnay in la duudsiyay xuquuq badan oo aanu lahayn, isla markaana aanay saaxada noogu muuqan cid garawsan oo arintaa aanu kala xaajoono, markaanu ogaanay sanadba sanadka ka danbeeya inay hoos usii dhacayso rajadii ay dhalinyaradu ku ididiiloonaysay, markaanu ogaanay kaliya in dhalinyarada wadankani tahay uun sallan lagu fuulo kursiga maraanu ogaanay inaanay totally dhalinyarada haysan itijaah midaysan oo meel u socda. Waxaanu go aansanay inaanu abuurno bal hada wax na mideeya oo aanu ku bahawno, intaa dabadeedna waxaanu samaynay madal la magic baxday Madasha Badbaadada Dhalinyarada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MABDA. Ayuu Yidhi Gudoomiye Liibaan Cabdi Xasan.

IMG_0348

Iyadoo goobtaasi lagu soo saaray qodobo tiro badan oo wax ku ool u ah dhalinyarada Somaliland, qodobadani oo badi ku soo aroorayey sidii dhalinyarada reer Somaliland ay wax u wada qabsan lahayeen dhulkoogana uga dhigi lahayeen mid lagu soo hirto.

 

 

Geesta kale isna waxa goobtaasi ka hadlay afhayeenka ururkaasi Maxamud Yuusuf Raage oo isna ka hadlay caqabado badan oo hayta dhalinyarada waxaanu tusaalayaal u soo qaatay Cadaalad daro, Musuqmaasaq, Qof Jeclaysi.

Gabagabadii waxa madashaasi lagu shaaciyey maalin qaran oo dhalinyarada reer Somaliland ay isigu imaadaan sidii ay u muujin lahayeen cududooda waxaana maalintaas loo asteeyey 20/05/2016,.

IMG_0362 IMG_0353 IMG_0346 IMG_0337 IMG_0348 IMG_0349 IMG_0352 IMG_0335IMG_0364

@Surad News
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here