Uhuru Kenyatta Oo Loogu Baaqay In Uu Iska Baadho Cudurka Malaariyada Kahor Inta Uusan Kusoo Laaban Kenya

0
159

Shacabka dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday hadalo uu dhawaan ka jeediyay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta magaalada Jerusalem ee dhulka ay xooga ku heesato Yahuuda Israa’il.

Madaxweynaha Kenya oo dhawaan booqasho ku tagay dhulka ay Yahuudo heestaan ayaa halkaasi waxa uu kula kulmay ardayda u dhalatay dalka Kenya ee wax ku barato dhulka ay maamusho Israa’il, waxa uuna ardaydaasi u jeediyay Khudbad ka careesiisay shacabka kunool gudaha Kenya.

 
Waxa uu sheegay Uhuru Kenyatta in shacabka Kenya ay yihiin kuwa uu la dagay musuq maasuq oo tuugo ah, waxa uuna ku tilmaamay shacabka Kenya in ay yihiin kuwa inta badan ku mashquulsan aflagaado iyo falal kale oo aad u xun xun.

 
” Dadkeyna waxa ay shaqo ka dhigteen wax xadidid iyo musuq maasuq, waxa ay sidoo kale dadkeyna caado u ah aflagaado iyo falal kale oo xun xun , dhulka aan hada joogno dadka kunool waxa ay ka kala yimaadeen wadamo kala duwan, waxa ayna isku raacsan yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen amaankooda iyo horumarkooda, balse anaga oo ilaah nagu maneestay dhul 20- jeer ka fiican kan hada joogtaan ma isweediiseen waxa dib noo dhigay” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

 
Waxa uu ugu baqaay Madaxweynaha dalka Kenya ardayda uu la kulmay in ay ku day’daan dadka Israail ayna ka shaqeeyaan horumarka dalkooda , waxa uuna uga digay in iyana caado ka dhigtaan musuqa iyo wax isdaba mariska.

Hadaladan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Kenya waxaa si weyn uga carooday shacabka u dhashay dalkaasi, waxa ayna sheegeen in Madaxweynaha dowlada uu hogaamiyo ay tahay midii ugu musuq maasuqa badneen ee dalkaasi soo marta.

Dadka falanqeeya Siyaasada Kenya ayaa qaarkood sheegay in Uhuro uu hogamaiyo Xukuumada Musuq maasuqa , qiyaanada iyo qabyaalada, waxa ayna wax laga xumadao ku tilmaameen in madaxweynaha uu shacabka Kenya dhan ceebeeyo kuna tilmamo toogo.

Shacabka Kenya qaarkood ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Kenya oo safar uga maqnaa dalkaasi in uu iska soo baaro Cudurka malaariyada kahor inta uusan Kenya kusoo laaban, waxa ayna tilmamaeen in Cudurka malaariyada ay mararka qaarkood keento waalida sababta in qofka wax walbo uu iska sheego.

Dalka Kenya ayaa kamid ah dalalka ugu horeeya ee ku caan baxay musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta, waxaana la sheegay in horumarka dalkaasi uu hor istaagay musuq maasuqa ay caadeestay madaxda dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here