Uhuru Kenyatta oo lagu cadaadinayo in uu runta ka Sheego tirada askartii looga laayay Weerarkii Ceel Cadde

0
156

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cadaadis xoogan waxa uu kala kulmayaan Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka dalkaasi, kuwaa oo ku qasbaya in uu cadeeyo tirada rasmiga ah ee askarta Kenya looga dilay Weerarkii Ceel Cadde.

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Ford ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Kenya in uu shaaciyo tirada rasmiga ah ee Kooxda Al-Shabaab ku dileen Weerrakii 15-kii bisjii Janaayo ku qaadeen xero ay Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deeganaka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

 

Moses Wetang’ula, ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xog ka hayo tirada ee la egtahay qasaarihii Ciidanka Kenya kasoo gaaray Weerarkii Ceel Cadde, waxa uuna kula taliyay in uu soo bandhigay tirada askarta dhimatay iyo kuwa Nolosha lagu qafaashay.

Waxa uu tilmaamay Hogaamiyahan mucaaradka in ay nasiib daro tahay in askarta Kenya la laayay xili uu Madaxweynaha ku sugnaa magaalo Xeebeedka Mombasa uuna halkaasi ka waday ololihiisa Siyaasada .

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ayaa sheegay in qoysaska askarta loo diray dalka Soomaaliya ay arintan wal wal ku heyso ayna doonayaan in ay wax ka ogaadaan qasaaraha dhabta ah ee Ciidanka Kenya kasoo gaaray Weerarkii Ceel Cadde.

Dowlada Kenya ayaa wali ka meer meereysa in ay shaaciso tirada rasmiga ah ee looga dilay Weerarkii Al-Shabaab ku qadaeen xero ay Ciidanka kga sugnaayeen Deegaanka Ceel Cadde, waxa ayna Al-Shabaab dhankooda shaaciyeen in 100-askari weerarkaasi ku dileen tiro kalana ay nolol u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here