UCID SOOMALILAND BAY CID UTAHAY

0
168
Ucid Soomaliland bay Cid Utahay

Waxaan Salaan Qadarin Maamuus Ixtiraam uhayaaa Dhamaan Shacab weynaha Reer Soomaliland meelkasta Oo ay ka Joogaan Daafaha iyo Dacaladda Aduunka .

Intaa ka dib waxaynu bilaaabidoonaa mawduuc  aynu ku lafo gurayno  sidda uu xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid Uu kaalinta Koobaad kagga Jiro  Xisbiyadda Soomaliland iyo U heegaanaanta Arrimahaa  Shacabka Bulshadda Soomaliland ,Ilaanta Xuquuqdoodaa ,udoodidda Xaqooda  isgarab taaga Hanaanka iyo Hiigsigga Himiladda Soomaliland,U Heelananta Helitaanka Ictiraafka Soomaliland  Ilaalinta iyo ka war haynta Xalaadaha Kala duwan Ee ay soomaliland marayso ama ku socoto taas oo loo baahanyahay in la helo Xisbi Sidda Ucid Oo kale aha Oo  u heelaan Ilaalinta Xuduudahaa ,ilaalinta Xidhiidhka Caalamigga  ilaalinta Waxkasta oo uu dana shacab weynaha reer soomaliland .

xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid waxa Gadh wadeen ka aha Masuuliyiin Ilaahay ku manaystay Aqoon Karti Cadaalad Soor Dhiiranaan  Waayo aragnimo  Dulqaad iyo maskax Ildheer u leh waxkasta oo ay soomaliland doonaysa  hadaba bulshooy mawddduucan waxa uu noqondoonaaa  mid si taxanaa uga baxa  warbaahinta  oo aynu shacabkeenaa tusno sidda ay masuuliyiinta xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid  ay ugu heelanyihiin Bulshadooda oo ay Dantoodda ka horaysiinayaan Dantadda Soomaliland.

Haddaba waxaynu maalinba sharaxidoonaa mawduuc gaara iyo kaalinta uu ucidka gaystay  lakin aan manta idinyar xasuusiyo masuuliyiinta Hogaanka u aha Xisbiga oo uu Kaalinta Koobaad ku jiro Guddoomiyaha xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid En Faysal Cali Huseen ( faysal Cali waraabe) Musharaxa Jaggadda Madaxweyne  Ee xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid Aqoonyahan  Jamaal Cali Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa  Aqoonyahan Cabdi rashiid Xasan Mataaan iyo dhamaan masuuliyiinta xisbiga .

Guntii iyo Gebo Gebadii :  waxaynu si taxaana u bilaabidoonaa barnaamijkaa oo maalinba aynu meel ku beegsandoono iinsha allah. Ee la socod wanaagsan dhamaantiin.

Qoraa:Mukhtaar Mahamed Jama X Diiriye (M.Nadaara)

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

Burao/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here