Ubaxii Abaarsadday Qeybtii 2-aad

0
303

-Telafankii waa la qabtay,waxaana ka qabatay sidii uu markii horeba filayay qof dumar ah.
Siyaad: “ Hello,wllo aslaamu-calaykum”.
Sagal: “haa wll,Wacalaykuma-salaam’.
Siyaad: “ Wllo ma fiicantahay”.
Sagal: “haa wll,waa kuma..”.
Siyaad: “wllo kolay,waa ninkaas ku garanayee,arin wakhti dheer u baahan ayaan kaa doonayay,haddana waa iska ramadaan,oo waa la sooman yahay.markaas Afurka ka dib ayaan kula soo hadlayaa,haddii alleh yidhaahdo.aadna waad u mahad santahay”.ayuu hadalkiisii kusoo xidhay
Sagal: “ haye wllo,adaa mudan”. Ayay ugu hal-celisay Sagal.
Ninkii Siyaad,wax Culayskeedu kala culus yahay Buur la dul-saaray ayaa ka dhacay,waxa uu ku faraxsan yahay jawiga fiican ee hawsha uu wakhtiga badan ku hamiyay ugu bilaamantay.balse waxa uu niyadda ku hayaa in aanay wali ‘faanoole fari ka qodanyn’.hawshana hadda uun uu taagan yahay ibo-furkeedii,isla markaana aan wali lays gaadhin.

 
Amintan uu Sagal telafanka kala hadlay,isla markaana uu isku biimeeyay,waa barqo cadceedu dheer tahay,kuna began 10:00 Am,waana ayaamihii ugu horeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.maalmahan Soonka ku cusub,shaqadda, iyo waxbarashadda uu ku fooganyahay waxay sababtay inuu dareemo daal,gaajo,haraad iyo culays dhinaca maskaxda ah.balse maalintani waxaas oo dhan wey ka gedisantahay,waxaana uu wakhti horeba uu si fir-fircooni badani ku kirto u dhameeyay dhamaan hawl-maalmeedkiisii shaqo,waxaana uu inta badan kolba eegayaa goor-sheegta ama Saacadda Labtop-ka uu ku shaqaynayo,isaga oo dhawraya inta ka hadhay Wakhtigii la-hadalka Sagal.waxa uu niyad-ahaan dareemayaa farxad,galaydhyayn iyo rayn-rayn ku aadan wax uu u arko guul iyo taariikh togan oo in la-xuso mudan oo uu saacaddo ka hor gaadhay,kaas oo gabi-ahaanba badalay nolol-maalmeedkiisii caadiga ahaa.lamaba moodo nin sooman,ninkii maalin ka hor diiqadda,caajiska iyo saamaynta uu soonku ku yeeshay oogaddiisa laga dheehanayay.

 
Asxaabtiisa shaqaddu si weyn ayay ula amakaagsan yihiin is-bedelkan togan ee maanta saaxiibkood Siyaad ka muuqda.
“Waar,manta maxaa laguu soo sheegay..?.
Ma Imtixaankii Jaamacadda ayaad ku guulaystay..?.
Ma maalintaad dhalataa..?
Ma shaqo cusub baad heshay..?”.
Su’aalahaasi waxay qeyb ka ahaayeen weydiimo ay daran-doori ugu tuurayeen koox dhalinyaro ah oo ay Siyaad Xafiiska shaqo-wadaag ka ahaayeen.

 
Siyaad farxad daraadeed wey ku adagtahay inuu si quman uga jawaabo weydiimaha kala duwan ee kaga imanaya asxaabtiisa.waxa uu si xawli leh u wadaa hawsha shaqo ee uu maanta Xafiiska kaga qoranyahay.qofkasta oo telafankiisa soo gaaraca ama uu garaaco waxa uu ku bilaabayaa hadalo isku jira kaftan,xifaalayn,isla markaana uu weheliyo qosol aan kala go’lahayn.kalmad kasta oo kasoo baxda afkiisa waxa weheliya qosol iyo dhoola-cadayn.dadka ay khadka telafanka kuwada hadlayaan badankoodu waxay su’aal galinayaan in qofka ay la hadlayaan yahay Siyaad iyo inkale.waxaanay kusoo cel-celinayaan hadalo ay ka midyihiin; “waar,Siyaad mee…?. saaxiib telafanka ma dabkuu kaga tagay..? waar kaagan qoslayaa ninkii telafanka lahaa noogu dhiib”.weedhahaas iyo kuwo kale ayaa waxay caalamad u aahaayeen sida ehel iyo asxaaba loo dareemay is-bedelka xoogan ee maanta ku yimid Ninkii Siyaad ee kali-socodka ahaa.

 
Ninkii Siyaad ee hore mashquulka u ahaa maanta waxa uu haystaa Firaaqo aad u badan.waxa uu baadhayaa Telafanadda,Email-ladda iyo ciwaanadda baraha xidhiidhka bulshadda ee faceboog-ga,kuwaas oo ay leeyihiin dad iskugu jira Ehel iyo asxaab ay muddo aad u dheer is-mooganaayeen.kuwaas oo ay iskugu danbaysay Xiliyaddii Ardaynimo iyo Waagii ciyaalnimadda.

 
Siyaad wax uu farxad iyo jawi degan ku qaato maalinkaas,hadda waxa lasoo gaadhay xiligii Afurka,waana amintii ay balansanaayeen Inantan Sagal ee sida weyn u bedeshay hab-nololeedkii Siyaad ee maanta.wakhtigii uu u arkayay inay munaasib tahay isla markaana la afuray,lana casheeyay,ayuu inta uu meel degan oo buuq iyo jabaqi ka dheertahay tagay waxa uu la hadlay Sagal.

 
Ugu horaynba waa uu salaamay,waxaana uu intaas u raaciyay inuu rajaynayo in dhamaan xubnaha qoyskuna ay nabad-qabaan,isla markaana aanay jirin wax dhib ah oo lala soo guryo-hoyday.

 
Sagal waxay ugu hal-celisay inay dhamaantood barwaaqo iyo nimco ku sugan yihiin,isla markaana ay wada nabad qabaan.
Siyaad,waa nin garanaya hawsha culus ee uu qabyadda ah,isla markaana ku xisaabtamaya wakhtiga kooban ee uu haysto.
Ugu horaynba waxa uu isku dayay inuu si hufan is-kugu sharaxo Magaciisa,xaafaddooda iyo inuu u tilmaamo dhamaan astaan kasta oo ay suuragal-tahay inay ku aqoonsato,kuna garato,is is-fahamku usoo dhawaado.

 
Intaas ka dib,waxa uu si toos ah ugu sheegay Sagal in ujeedka rasmiga ah ee uu ula soo xidhiidhay yahay inuu usoo bandhigo dareen –jacayl oo u qaaday muddo haatan laga joogo labba sanno la deris ah oo uu iyadda u qaaday.waxa uu u sheegay inuu go’aanka muddo dheer ka baaran tagayay oo uu ka talo galiyay dad badan oo talo-qabeen ah,isla markaana uu rajaynayo in iyaduna la qaadato dalabkaas uu usoo qadimay.

 
Sagal,ayaa hadalkii qaadatay,waxaanay u sheegtay inay si fiican u garanayso isaga (Siyaad),hawshana tahay hawl-miisaankeedda leh,isla markaana aanay waxba ka qabin inay wada yeesheen Xidhiidh wadahadal iyo is-xaal ogaan ah.
Siyaad,waxa uu madashii kaga tiraabay hadalo iskugu jira mahad-naq,hanbalyayn iyo amaan uu kula dul-dhacay Sagal.

 
Intaas ka dib waxa la galay sheeko caadi ah oo ku saabsan dhinaca Waxbarashadda iyo halka uu ruux kastaaba uu hadda wax marinayo, Wajiyaal hore iyo xusuustoodii.habeenkaas waxa lagu kala hoyday iyada oo qof kastaaba uu dhinaciisa kaga farax sanyahay xidhiidhka wanaagsan ee sida fiican ugu bilaamay wakhtigan barakaysan ee lagu jiro bisha Ramadaan.

 
Maadaama,lagu jiray bil ramadaan wakhtiga fursad hadal laysu helaan ay xadidnayd marar kooban ayay bariido Mobile-ka ah ama Faceboog-ga ahi dhex-mari jirtay.waxaana labadda dhinac midkastaaba salaanta iyo bariidadda u qaadi jiray si diiran oo ay xiisayn u bohol-yaw ka muuqdo,waxaana muuqatay koboc tartiib-tartiib ah oo uu samaynayo Xidhiidhka Jacayl ee ka dhexeeyay Sagal Iyo Siyaad.

 
Iyada oo xaal sidaas yahay,ayaa habeen ka mid ah habeenadda waxa kusoo dhacday Mobile-ka Siyaad fariin qoraal ah oo ka ka timid dhinaca Mobile-ka Sagal.waxaanay u dhignayd Fariintii qoraalka ahayd….
Lasoco…………….

W/Q: Suxufi Mohamed Hassan Daacad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here