Tv-Yo Laga Mamnuucay Madaarka CIGAAL ! Muxuu Qoonsaday Maamule DHIDAR Masuul Doonaya Daboolista Xaqiiqadda

0
105

Hargeysa(SDN) Maamulka madaarka ayaa amar cad ku bixiyay inaanay food gelin gudaha Madaarka qaar kamid Ah warbaahinta Muqaalka tebisa Ee Telefishanada ROYAL TV. SOMNEWS Iyo weliba KALSAN TV iyo Waliba Shabakada SURADNEWS.COM.

mr dhidar

 

Ciidamada amaanka ee afaafka hore ee laga galo madaarka Ayaa shaqaalaha warbaahintaasi usheegay in amarkan uu bixiyay Maamulaha madaarka CIGAAL Maxamed Yusuf Mr Dhidar balse faahfaahin intaasi dheer kamaysan bixin ujeedka uu mr Dhidar u cuskaday in uu Tvyadan iyo websitekan ka mamnuuco Gelista Gegida cigaal.

 

 

Ilaa hadda maamulka Madaarka Cigaal iyo Wasaaradda duulista iyo Hawaddu wax qiil ah umaysan samayn Sababta keentay in Tv-da iyo websiteka lagu soo rogo cuno qabataynta caynkan ah.

 

 

Maamulaha Madaarka MR Dhidar ayaa la wariyay in uu ka cadhooday waraysi mid  kamid ah Salaadiinta galbeedka Hargeysa ku dhaliilayay maamulka Madaarka oo ka baxay Sadexdan tv iyo shabakadaha iyo  warar bulshadu ku dhaliilayso Wasaaradda duulista oo Tvyadaasi laga arkay .

 

 

Ma jiro sida la sheegay qiil ka duwan dhibsashada wararkaasi oo Maamulka madaarku u hayo Sadexdan tv ee uu Cunsuriyada Kula kacay marka laga reebo in uu ka damqaday xaqiiqada tebinta wararka bulshadu ku dhaliilasay maamulka uu masuuliyadiisa Sido.

 

 

Ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA Ayaan ilaa hadda wax taalaabo ah ka qaadin haayado warbaahineed Siiba TV-yo iyo shabakado laga xayiray gelista Madaarka Cigaal.

Maaha markii ugu horaysay ee Sidan oo kale Wasaaradaha xukumadda SIILAANYO Utakooraan ama tacadiyo ugula kacaan Saxaafada Madaxa banaan.

 

 

Intii ay taladda Qabatay Xukumadda KULMIYE Waxa taariikhda u galay inay ku suntanaato xukumadii cabudhinta cago juglaynta iyo weliba handadaada Saxaafada Xorta ah.

 

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here