Turkiga Oo Shaqada Ka Joojiyey 13 Kun Oo Askar Boolis Ah

0
190
Turkish Army Troops, Militants Mass in Aleppo: Russian Monitor

Ankara(SDN)Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka joojisay 13 kun oo boolis oo lagu eedeeyay inay xidhiidh  la leeyihiin wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka, Fetxullah Gulen.

In kabadan 2500 oo ka mid ah askartaasi waa taliyayaal, sida dowladdu sheegtay.

Turkish Army Troops, Militants Mass in Aleppo: Russian Monitor

Fetxullah Gulen wuu beeniyay eedaha dowladda ee ah in taageerayaashiisa ay abaabuleen afgembigii fashilmay bishii July ee sanadkan.

Tobannaan kun oo qof ayaa shaqada dowladda laga joojiyay ama laga ceyriyay tan iyo markii uu isku deyga afgembiga dhacay.

Sidoo kale, in ka badan 30 kun oo qof ayaa la xidhay  tan iyo markii uu dhacay afgembiga dhicisoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here