Turkiga Oo Madaafiic & Hub Casri Ah Geeyay Xuduudaha Dalkaas

0
186

Milatariga dalka Turkiga ayaa aad u adeeyay amniga xuduudaha ay la wadaagaan dalalka colaaduhu ka taagan yihiin sida wadamada Ciraaq iyo Siiriya, waxeeyna Turkiga geeyeen furumaha hore ee xuduudaha dalalkaas hub casri ah iyo Madaafiicda goobta .

 

Wasaarada gaashaandhiga dalka Turkiga ayaa shaacisay inay geeyeen hub casri ah oo hor leh , dhoor goobood ama xeryo Milatari oo ku yaala xuduudaha dalkaas gara ahaan Xuduuda Siiriya, waxaana hubkaan oo aad u fara badan ka mid ah sawaariiqda lagu soo rido Diyaaradaha ku soo xad gudba hawada dalkaas , Madaafiic casri ah iyo Taagiyo aad u fara badan .

















 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here