Trump oo si weyn ugu horeeya natiijada hordhaca ah ee doorashada Maraykanka

0
214

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa qarka u saaran inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Maraykanka, isagoo codad badan ka horeeya Hillary Clinton oo ah musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee la tartamayey.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxaa noqonaya musharaxa hella 270 waxa loo yaqaan Electro Colegge, waxaana Trump uu heystaa 245 Electro Colegge, halka Mrs. Clinton ay leedahaya 215 kaliya.

 

Waxaa meesha ka baxay saadaalintii markii hore soo baxeysay ee sheegeysay in Hillary Clinton ay noqon doonto madaxweynaha Maraykanka, waxaana aad loola yaaban yahay isbedelka lama filaanka ah ee doorashadu ay la timid.

Codadka gobolada Maraykanka badankood ayaa la tiriyey waxaana dhiman illaa dhowr gobol oo iyagaa xitaa wararku ay sheegayaan in tirinta codadka uu ku horeeyo qaarkood Trump.

Fursadda keli ah ee Hillary Clinton ay guusha ku hanan karto ayaa la sheegay inay tahay iney ku guulaysato gobollada Pennsylvania, Michigan iyo Winsconsin, waana dariiqa keli ah ee ay Aqalka Cad u mari karto.

 

Taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga ayaa si weyn uga niyad jabsan natiijada hordhaca ah ee soo baxeysa, waxaana doorashadan indhaha ku haya dadweynaha caalamka oo dhan.

Ka daawo sawirada hoose taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga oo ku faraxsan natiijada hordhaca iyo kuwa Dimoqraadiga oo niyad jabsan.











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here