Top News:- Xogo Sheegaya Mudadda Lagu Darayo Doorashadda Somaliland.

0
135

Hargeysa(SDN)Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Ramaasnews kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola masuuliyiinta xisbiyada qaranka ayaa sheegaya in saddexda murashax ee xisbiyada UCID,KULMIYE,iyo WADDANI oo ay murashaxiin madaxwayne ka kala yihiin Dr Cabdiraxmaan Cirro,Mujaahid Muuse Biixi iyo waliba Eng Faysal Cali Waraabe ay isla qaateen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada Somaliland oo ku astaysnayd qabsoomideedu 28 bisha March 2017-ka taas oo ay masuuliyiinta axsaabta qaranku ku kala aragti duwanaayeen qabsoomideeda.

 

 

Waxaana ay xogahani tibaaxeen in murashaxiintani ay isla qaateen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada isla markaana xukuumadda madaxwayne Siilaanyo mar kale loo sameeyo muddo kordhin dhan 7 bilood halka ay wararka qaarna sheegayaan 6 bilood,arrinkaasna waxa la sheegay inay u gudbiyeen gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo iyagu hore ugu soo bandhigay masuuliyiinta axsaabta qaranka warbixino ay kasoo ururiyeen safaro ay ku tageen gobolada iyo degmooyinka dalka isla markaana ay ka dhawaajiyeen in dadkii ay abaartu saamaysay aanay intoodii badnayd wakhti xaadirkan ku sugnayn deegaanadoodii balse ay ka hayaameen una hayaameen deegaano kale.

 

 

Waxaana qabsoomida doorashada madaxtooyada ka dhashay ismaan dhaaf soo kala dhex galay xisbiyada qaranka iyaga oo xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay sheegeen in aanay suurto gal ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho maadaaama xaaladan adag lagu jiro dadkii iyo duunyadiina ay saamaysay abaar baahsani halka xisbiga KULMIYE uu isagu ku adkaysanayey in la isku dhinac wado gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada oo wakhtigeedii ku dhacda,waxaana arrinkaasi maalinkii shalay ahayd dhex galay oo is afgarad kusoo dhameeyey abwaanada waa wayn ee Somaliland magaca iyo maamuuska ku leh kuwaas oo isku soo dhaweeyey afkaartii ay kala qabeen xisbiyadu isla markaana ku qanciyey in doorashada dib loo dhigo loona gurmado dadka ay dariska la noqotay diifta,macaluusha iyo daranyada ay abaartu sababtay.

Dhanka kale xogahan ayaa sheegaya in gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu isagu wado qorshe uu doonayo inuu muddo kordhin dhan 1 sano ugu sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,waxaana sidoo kale ay wararku intaa ku darayaan in gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland la filayo inay kulan la qaataan gudida doorashooyinka Somaliland isla markaana ay kala hadlaan arrimo khuseeyo doorashada madaxtooyada.

 

 

 

Waxaana qodobada ay labada dhinac ka wada hadli doonaan kamid ah inay gudidan joogtada ahi gudida komishanka dhankooda ka dhagaystaan warbixintii ay kasoo ururiyeen safaradii  ay ku gaala bixiyeen gobolada iyo degmooyinka dalka ,inay ka wada naaqishoodaan caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashada madaxtooyada,xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada gobolada bariga Somaliland iyo waliba inay ka wada hadlaan muddoda suurto galnimada ah ee mar labaad loo kordhin karo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Ilaa hadda lama garan karo go’aamada kama danbaysta ah ee kasoo baxaya gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland,balse bulshada Somaliland ayaa iyagu u wada dhag taagaya natiijada iyo  go’aamada kasoo baxa gudidan,waxaana la filayaa inay maanta hadlaan gudida komishanka doorashooyinku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here