Toogasho ka dhacday Xero ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Magaalada Boorama

0
97

Wararka ka imaanaya Magaalada Boorama ee Caasimada Gobolka Gobolka Owdal, ayaa sheegaya in saakay ay toogasho ka dhacday xero ay Ciidamada Milatariga Maamulka Somaliland ay ku lahaayeen Magaaladaasi.

Askari katirsanaa Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa toogasho u geestay taliyihii xerada milatariga Magaalada Boorama, Gaashaalne sare Xasan Caqli iyo askari kale oo katirsanaa Ciidamada Milatariga ee Xeradaasi ku xareesnaa.

Toogashada waxaa ku dhintay Askari magaciisa lagu sheegay xiddigle Faarax Carraale, halka uu dhaawac culus uu kasoo gaaray Gaashaalne sare Xasan Caqli oo ahaa taliyihii xerada uu falku ka dhacay.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa xaqiijiyay in toogasho ay ka dhacday xerada Milatariga ee Magaalada Boorama, waxa uuna sheegay in askari dhintay halka taliyaha xerdaaasina uu qabo dhaawac halis ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ciidamada Milatariga ee ku sugnaa xeradaasi ay durba gacanta ku dhigeen askarigii toogashada ka dambeeyay, waxa uuna intaa raaciyay in askariga uu hada xabsiga ku jiro.

Lama oga waxa sababay in askarigan katirsan Ciidamada Milatariga Somaliland uu toogto taliyihiisa iyo askari kale, mudooyinkii dambe ayaaana deegaanada Maamulka Somaliland waxaa kusoo badanayay askarta toogashada u geesata taliyaashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here