Todobo Sanno Ayaan Xisbiga Kulmiye Tunka Ku Siday Isagoo Mayd Ah

0
359
Xisibgan Kulmiye wuxuu ahaa xisbi qaran oo la rabay inuu ummada u horseedo hourumar qarankana ka qaado dhibaatada haysata wuxuu isu bedalay in koox gaari ahi ku danaysato, iyagoo isticmaalaya  awood aan sharci ku fadhiyin waxaa ka mida dhibaatada uu shacabka u geystay.

1- inuu dalka ka furo oo dayactiro Kaniisadii weligeed ku tiil ee waagii

isticmaarka kadibna ay xidhaan markii shacabka muslinka ah

iyo culimada Soomaliland.ku kaceen..

2- Sicir barar baahsan oo maanta la ogyahay shillinkii Soomaliland

    meesha uu marayo iyo siduu u saameeyey dadka dan yarta ah

3. Boobka hantida ummada ee xaqu qallinka lagu sheego iyo  hantida
    ummada sida xaraashka guryaha danta guud ee qaranku leeyahay

4-  qabyaalada qaawan  ee qofkii dan lagu wato ama reerka odayga ah xilal
     iyo xoolo loo siiyo.

5-  cabadhunita saxaafada xorta ah ee madaxbaan iyo u caga juglaynta
     dadka  cabiraya maskaxdooda iyo maankooda

6-Dhibaatada loo gaystay dekada Berbera oo lagu wareejiyey dad aan u
   naxayn shacabkan kan shaqayn howlaha dekada oo  la ogyahay
   sida jaah wareerka iyo buuqu uga aloosan yahay dekada oo xukuumadu
    qirtay hoos u dhaca ku yimi dekada.

7-  aloosida iyo hurinta colaadaha  beelaha Soomaliland dhexmara  oo
     aan daacad laga ahayn heshiiskooda isla markaana  la sii huriyo si
     loo gaadho dano gaar ahaaneed oo been beena adigoo maqlaya wax

aanad hore u maqli jirin sida laba beelood oo meel hebla isku dilaya.

Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan oo aan la soo koobi karin markaan

arkay oo garwaaqsaday dhibaha shacabka gaadhaya  asaan gabay

      arrimo dhowra oo ila gudboonaday waa waxaan  Xisbiga Waddani u
      galay  guusha horteed.

       Mas,uul ka Tirsan Xisbiga Waddani
       Cabdilaahi  Maxamuud  Suldaan Cabdisalaan
         Hargaysa Jamhuuriyada Soomaliland
       E Mail;  abdisalansultan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here