Todobada Bisha Oo Loo Iclaamiyay Maalinta Nadiifta Dalka Oo Dhan

0
155

Hargeisa(SDN)Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland,Wasiir ku xigenka warfaafinta,Wasiirka Deegaanka iyo Maayar ku xigeenka Caasimada Ayaa go’aamiyay in todobad bisha olol nadaafadeed dalka oo dhan laga samayn Doono.

Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Ayaan ku han-jabay hadii Amarkaas Golaha Deegaanka iyo Cida ay Shaqadooda tahay ay  Fulin Waydo Waayi Doonto Shaqada ay Hayaan.

Waxaana ay Dhamaan Bulshada Qaybaheeda kala duwan ku guubaabiyeen Wasiiradu In maalintaas si heer qaran Ah looga Qayb qaato nadiifinta dalka iyo Cidhibtirka Qashinka.

Ugu Horayn Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland cali maxamed waran cade ayaa sheegay maalintaasna go’aamiyayna waxaana uu yidhi.

“waxa loo baahan yahay in Ay nadaafada ka shaqayno dhamaan miyi iyo magaalaba,waxaanu Garanay oo ay dawladuna Garatay in Bisha Todobadeed inaanu Olole Nadaafada Ah ka bilawno Gobol walba,Halkan waxaan Amar uga Jeedinayaa Dhamaan Gobolada Somaliland Badhasaabada iyo maamulkooda in Ay Maalintaas loo Asteeyay u Diyaar Garoobaan in Gobol Walba iyo Degmo waliba isku tashato oo ay samayso olole nadaafadeed.

intaas waxa uu raaciyay wasiirka Arimaha gudaha somaliland cali Maxamed Waran Cade isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.

“Hawl Galkaas nadaafadeed waxa uu noqon Doonaa mid aan la iskaga hadhin ee la isku abaal mariyo,waxaana uu noqon doonaa mid la iskaga abaal gudo oo tartan ka dhexeeyo bulshada Sidaas awgeed Bisha  Todobadeed waxa inoo balan ah iyada oo dawladuna ka qayb gali Doonta in dadka ku nooli isku soo bax sameeyaan,hadii aynu iska nadiifino qashinka waxa la odhan doonaa kuwani waa kuwaas isku tashadee Hala aqoon sado.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) ayaa sheegtay in loo baahan yahay in qashinka dhamaan dalka oo dhan laga nadiifiyo maalintan loo asteeyayna ay noqoto mid Markasta la tix galiyo,waxaana ay qofkasta oo muwaadin Ahna u soo jeedisay in ay ka wantoobaan in ay qashinka dhigaan Meel aan Badh sanayn.

“Anagu ka wasaarada ahaan maalinta ay tahay toddobada bisha waxaanu rajo wayn ka qabnaa in Dalku koone ilaa koone Safaysan yahay maaha qawda maqashii waxna ha u qabane,iska soo bax oo meesha war-wareegna maaha,waxaana weeyaan in Maalintaas qaran qofkasta dhankiisa wax ka qabto,Sida uu qof kasta guriisa u nadiifiyo ayaa loo baahan yahay in Maalintaas loo nadiifiyo,waxaana loo baahan yahay in Ay wasaarad Waliba waxeeda la kaaladay Maalintaas lakiin looma baahan in Faro Madhnaan Ay madasha ku yimadaan.

Wasiirka ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Somaliland marwo Shukri xariir ismaaciil ayaa sheegtay in Warbaahinta dalku tahay Diir dhexaad Qaranka,Maalintaas ay u asteyeen in Qashinka Dalka oo dhan laga nadiifiyana loo baahan yahay warbaahintu kaalintooda ka qataan.

waxa ay sidoo kale bayaamisay in Qashinka Hadii Aan la iska nadiifin laga qaadi doono cudur badan oo dawo loo waayo,bulshada somaliland waxa ay ku adkaysay in ay kaalintooda ka qataan maalintaas qaran ee loo baahan yahay in qashinka dalka laga nadiifiyo iyada oo dawlad iyo bulshaduba gacmaha is wada haysta.

“Saxaafada waxaan leeyahay hadii wasiir kasta inta uu yimaado isaga oo hogaaminaya wasaaradiisa inta uu yara taabtaabto qashinka iskaga dhaqaaqo waad sheegaysaan,maalintaas wasiir iyo shacab danta qaranka iyo nadiifinta dalka waa loowada siman yahay,Anagu hadaanu nahay warfaafintii waanu soo guran Kamaradihii ee wasaaradaha kale waxaan leeyahay hasoo ilaabina faralaydii iyo Majarafadii.

Maayar ku xigeenka caasimada somaliland ee hargaysa C/casiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne) ayaa isaguna golaha deegaanka dhamaan shirkadaha iskaashatooyinka iyo Shaqaalaha dawlada hoose u soo jeediyay in Maalinta ka qayb qataan waliba gacan laxaadle ka gaystaan.

“Mudane wasiir anagu hadaanu nahay dhamaan golaha deegaanka iyo sideed dagmo ee ay ka kooban tahay Caasimada Hargasya inaanu maalintaas todobada bisha inaanu diyaar u nahay,Maalintaas waxaanu soo diyaarinaynaa Dhamaan Degmooyinka Caasimada,Shaqaalihii Dawlada Hoose,Qalabkii,waxaana diyaar u nahay shaqadan oo markastaba ahayd tiishacabku noodoorteen oo ah inaanu nadiifino caasimada.

Gaba-gabadii Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ku hadlayay Afka Badhasaabada ayaa isaguna sheegay in dhamaan gobolada dalka looga baahan yahay in Ay maalinta Qiimaha leh shacabka gobol kasta oo ay joogaan hor kacaan qashin meel uu yaalna Aanay dhaafin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here