Tiro Maraakiibta Dagaalka Ruushka Oo Ka Gudbay Badda Ingiriiska

0
237

Waxaa shalay oo Jimco ah Badda Ingiriiska ka gudbay tiro badan oo kamid ah Maraakiibta dagaalka dalka Ruushka, Maraakiibtan ayaana la sheegay in ay kusii jeedeen dhinaca Wadamada kuyaala Bariga Dhaxe.

Maraakiibtan dagaalka Dowlada Ruushka u dirtay bariga dhaxe ayaa ah kuwa isugu jira kuwa wax bur buriya oo casri ah iyo Maraakiibta kale ee xumbaara Diyaaradaha inta badan geesta weerarada duqeymaha ah.

 
Dowlada Ruushka ayaa dooneysa in ay saameyn badan ku yeeato wadamada kuyaala Bariga Dhaxe, waxa ayna hada Milatariga Ruushka ay taageerayana Dowlada Bishara Al-Asad, waxa ayna gudaha siiriya u dirtay ciidamo badan iyo diyaarado dagaal.

Milatariga Ruushka ayaa sidoo kale dhawaan dhameestiray hubkooda culus ee lidka diyaaradaha oo ay ku rakibeen dalka Siiriya, waxaaana Ruushka uu hada kusii xoogeesanayaa dalka Siiriya halkaas ay dagaal kula jiraan Daacish iyo kooxaha Mucaaradka ay taageeraan Reer Galbeedka .










LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here