“Tirada Uu Sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Waxba Kama Jiraan”Af-hayeenka Ciidamada Kenya David Obonyo

0
166

Nairobi(SDN)Wareysi uu Madxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud ayaa uu kaga hadlay tirada askarta Kenya ee lagu dilay weerarkii horraantii bishii hore lagu qaaday xero ay ku lahayeen ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Madxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in askarta Kenya ee lagaga dilay weerarkaas ay tiradoodu u dhaxayso 180 illaa 200 oo askari, hase ahaatee afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay in tiradaas aaney sax aheyn.

 

David Obonyo waxaa uu sheegay aaney jirin cid ay la wadaageen tirada askarta ay ku waayeen weerarkii Ceel Cadde sidaas oo ay tahayna ay waxba kama jiraan tahay tirada Madaxweynaha Soomaaliya kasoo yeedhay waxaana uu yidhi”Annaga walli ma qaadan go’aan ah inaan shaacinno inta askari ee weerarkii Ceel-Cadde lagu dilay aan shaacino waxaana aaminsanahay in hadalkaas uu yahay mid aaney waxba ka jirin” ayuu yidhi David Obonyo oo la hadlay warbaahinta dalkiisa.

 

 

Af-hayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in aan warkaa madaxweyne Xasan sheekh ka soo yeedhay aanay waxba ka jirin “Tirada  uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh waxba kama jiraan”

Dawlada Keynya ayaa hore waxay u sheegtay in weerarkaasi lagaga dilay lixdameeyo askari hase ahaatee Al-Shabab ayaa iyana sheegtay inay dileen 100 askari.

Balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaas lagu diley tiro ku dhow 200 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here