Tirada Qoxoontiga yaman ee Somaliland oo tiradiisa la sheegay

0
126

Hargeisa(SDN)Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in ilaa saddex kun oo qaxoonti

muwaadiniin Yemeniyiin ahi ku sugan yihiin Somaliland. Waxa uu meesha ka saaray daryeel la’aan la wariyay inay soo food saartay qaxoontiga Yemen ka soo cararay.

 

Wasiirka ayaa sharaxay qaxoontiga soo gaadha Somaliland “Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland,Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaadaa” ayuu yidhi Wasiirka oo BBC-da la hadlayay.

 

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in dadka Yemeniyiinta ah marka lagu soo dhaweeyay Berbera la siiyo kaadhka Qaxoontinimo, islamarkaana xukumaddu wixii karaankeeda ah u qabato hay’addaha samafalka ee ku shaqo leh qaxoontigana ay ku dardaareen inay taakuleeyaan dadkaasi.

 

Wasiirku waxa uu ku dooday inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadkaasi haysta “Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof” ayuu yidhi Wasiirku.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii hay’adda Human Right Center oo fadhigeedu Hargeysa yahay sheegtay inay jiraan qaxoonti Yemen u dhashay oo ku tabaalaysan Berbera iyo Hargeysa. Waxay sheegeen inay Hargeysa kula kulmeen qoysas ilaa 4-tii qoysba wada degan yihiin qol kiro ah, balse arrintaasi maamulka gobolka Saaxil iyo Wasiirka dib u jedinta ayaa diidmo ka muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here