Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Oo La Dilay

0
112

Berbera(SDN) Wararka Hada naga soo gaadhay magaalada Berbera ayaa sheegay in hadda toogasho lagu diley Alle ha unaxariistee Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr ,kaas oo la sheegay in iminka Dabley hubaysani ay ku toogteen   Deegaanka Biyooley ee duleedka magaalada Berbera.

 

 

Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in dableydani ay sidoo kale rasaaseeyeen badhsaab ku xigeenka gobolka saaxil sidoo kale waxa weerarkaas ay dableydu so qaday ku dhintay askari ka tirsan ciidamada booliska oo isna la socday waftigaasi.

Ilaa hada ma jiro faahfaahin kasoo baxday weerarkaasi iyada oo ay dablaydanina baxsadeen oo aan la hayn lana garanayn ciday ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here