Taliyaha Ciidanka Asluubta Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gacan Kahadal Weyn Dhex-Maray

0
238

Hargeysa(SDN)Xurguf Balaadhan oo dhex-martay taliyaha ciidanka asluubta Somaliland iyo taliye ku Xigeenka ciidanka asluubta Somaliland taasi oo sababtay in ay gacan iskula tagaan labadaasi masuul,warar xogogaal ah oo sheegaya in taliye Cali (KK) uu ka hadlay arimo khuseeya ciidanka iyo jeelasha dalka taasina ay cadho laxaad leh ku abuurtay taliyaha ciidanka asluubta Somaliland.

Amuurtani oo shabakada wararka ee suradnews u kuurgashay ayaa waxa suuro gal noqotay in ay warbixin buuxda ka hesho arimahaasi, iyo xurgufta dhex-martay labadani masuul.

 

 

Geesta kale Amar uu bixiyey taliyaha ciidanka asluubta Somaliland oo lagaga hor joogsaday galitaanka xerada ciidanka asluubta taliye kuxigeenka ayaa iyadna waxay abuurtay xaalad adag oo sabab u noqotay gacan kahadalka dhexmaray labadani masuul.

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo sheegay in taliye ku Xigeenka ciidanka asluubtu uu qabo nabaro jugah(Aan muuqan) oo ka soo gaadhay gacan ka hadalakaasi lagula kacay taliye Cali (KK).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here