Taliska Booliska Somalia oo Saldhig qurux badan ka hirgeliyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
135

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Gudaha garoonka diyaarada Aadan Abdulle ee magaalada Muqdisho ka dhex furay Saldhig Boolis oo lagala socon doona amaanka Garoonka.

Daahfurka Saldhiga cusub ayaa waxaa ka qeybqaatay Taliyaha Booliska Somalia, Taliyaha Booliska Amisom, Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan labada dhinac iyo waliba mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

 
Waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Taliyayaasha Booliska Somalia iyo kan Amisom, waxa uuna Taliyaha Booliska Amisom bogaadiyay horumarka uu ku talaabsanaayo Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in Booliska Soomaaliya ay tani sharaf u tahay, waxa uuna munaasabada ka balanqaaday in Xarumo noocaani ka hirgalin doono meel waliba.








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here