Taksiile Weerar Qaraxyo Geysan Rabay Oo Lagu Toogtay Magaalada Ottowa

0
164

Ciidamada Booliska Canada ayaa dilay nin 24 jir ah oo qorshaynayay weerar dad lagu laayo ka dib markii Bambaanadii ugu horeysay ee uu watay uu ku dhex qarxiyay gaari taksi ah oo uu la socday xili ay Boolisku eryanayeen.

Sirdoonka Canada ayaa sheegay inay ka warqabeen in ninkan uu gacan saar la lahaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo halka uu weerarakani ku wajahnaa oo illaa hadda la ogeyn iyo halka uu ka soo jeedo ninkan la dilay ee bambooyinka watay.

Aabaha dhalay ninka la dilay ayaa sheegay in wilkiisu uu lumay oo uusan ka warqabin halka uu ku maqnaa, uuna arintaas horeyba ugu wargeliyey Booliska.

Sarkaal Booliiska Canada ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid deg deg ah wakhti kooban loo haystay ka dib markii ay sirdoonka Maraykanku ku wargaliyeen horaantii todobaadkan in shaqsiyaad argagaxiso ah ay weerar ka fulin rabaan gudaha wadanka Canada iyagoo adeegsanaya walxo qarxa.

Booliska ayaa sidoo kale baaraya hadii ay jiraan shaqsiyaad uu la shaqeynayey ninkan la dilay oo ku sugan gudaha wadankaas.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here