Tababarihii Hore Ee Shakhtar Oo Fred Ugu Hambalyeeyey Ku Biiridda Manchester United

0
290
Brazil's midfielder Fred smiles as he warms up ahead of the International friendly football match between Brazil and Croatia at Anfield in Liverpool on June 3, 2018. (Photo by Oli SCARFF / AFP) (Photo credit should read OLI SCARFF/AFP/Getty Images)

Mircea Lucescu oo ahaa tababarihii hore ee Shakhtar Donetsk ayaa Fred ugu hambalyeeyey kaddib markii la sheegay in uu dhammeystiray heshiiska uu ugu biirayo Manchester United.

 

Laacibka reer Brazil waxa uu isniitii ku sugnaa xerada tababarka Mancehster United isaga oo ku marayey tijaabada caafimaad kaddiib siuu u saxiixo qadaraas afar sano iyo bar ah.

 

Fred waxa uu markii hore ku dhawaa in uu u saxiixo Mancehster City balse mushaarkiisa badan ayey ka caga jiideen iyada oo diiradda saaray Jorginho oo Napoli ka tirsan.

 

United waxa ay rejeyneysaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa Fred 24-ka saac ee soo socda laakiin Lucescu, oo hadda tababare u ah Turkey balse Fred kula soo shaqeeyey Ukraine ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay in Brazil-ka uu koox sidaas u weyn ku biiro.

“Aad ayaan dhabtii ugu faraxsanahay in Fred uu dhammeystiray ku biiridda Man United,” ayuu Lucescu yiri.

 

“Markii aan ku soo biiriyey Shakhtar, Taison iy Bernard ayaa ka dheelayey booskiisa Waan bedelay booskiisa, aniga oo siiyey door badan oo daafaca ah. United waxa ay rejeeneysaa in ay saxiixa Fred ku xijisio dadabka dambe ee Porto Diogo Dalot.

 

19 jirka waxa uu ka dheeli karaa labada baa lee daafaca xilli ay United diyaar la tahay bixinta £17.5m Manchester United waxa ay aad dhibaato ugala kulantay daafacdda dambe muddooyinkii dambe wali ma helin ciyaaryahanno u bedela Patrice Evra iyo Rafael Silva.

 

Luke Shaw oo ay ka soo qaateen Southampton laakiin dhaawicii soo gaaray kaddib laba sano kahor waliba dib uma helin qaab ciyaareedkiisii wacnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here