Tababaraha Xulka Qaranka Nigeria Oo Shaaciyey Liiska 23-Ka Laacib Ee Uga Qayb-Gelaya Koobka Adduunka

0
365

Laacibka garabka uga ciyaara Chelsea ee Victor Moses, xiddigaha Leicester City ee Wilfred Ndidi, Kelechi Iheanacho iyo Ahmed Musa ayaa uu tababare Gernot Rohr kusoo daray liiskiisa.

 

Laacibkii hore ee Chelsea, John Obi Mikel ayaa ahaan doona kabtanka hoggaamin doona Nigeria Koobka Adduunka, hase yeeshee waxa liiskan si lama filaan ah ugu soo baxay Leon Balogun oo Brighton ka tirsan iyo Simeon Nwankwo oo kooxda yar ee Talyaaniga ah ee Crotone u ciyaara, balse aan lahayn khibrad badan.

 

Nigeria oo ka mid ah shanta waddan ee Afrika ka socda ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ayaa waxay isku group yihiin Argentina, Iceland iyo Croatia oo ay ku wada jiraan hormada D, ciyaartooda ugu horreysana waxay 14 June la ciyaari doonaan Argentina.

 

Xulka Qaranka Nigeria Oo Dhamaystiran

Goolka: Francis Uzoho (Deportivo La Coruna), Ikechukwu Ezenwa (Enyimba), Daniel Akpeyi (Chippa United).

 

Difaaca: William Troost-Ekong and Abdullahi Shehu (Bursaspor), Tyronne Ebuehi (Ado Den Haag), Elderson Echiejile (Cercle Brugge KSV), Bryan Idowu (Amkar Perm), Chidozie Awaziem (Nantes FC), Leon Balogun (Brighton), Kenneth Omeruo (Kasimpasa).

 

Khadka dhexe: Mikel John Obi (Tianjin Teda), Ogenyi Onazi (Trabzonspor), Wilfred Ndidi (Leicester City), Oghenekaro Etebo (Las Palmas), John Ogu (Hapoel Be’er Sheva), Joel Obi (Torino, Italy).

 

Weerarka: Ahmed Musa (CSKA Moscow), Kelechi Iheanacho (Leicester City), Victor Moses (Chelsea), Odion Ighalo (Changchun Yatai), Alex Iwobi (Arsenal), Simeon Nwankwo (Crotone).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here