Suldaan Cawil Fiiqle Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Suldaan XIIREY

0
191

Hargeisa(SDN)“In Shaqale dhulka mar hore ayaa shaqada lagaga eryay, hadana waa lagu soo celiyay, tii uu xilka ku

suldaan

waayay ayuunbaa u muuqataa, wax hore ku gaadhay hadaad ku xisaabtami-waydo”

Hargeysa():-Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ka mida Salaadiinta Beel-weynta CIIDAGALE ayaa ku

bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) talaabadii uu

ciidamada qaranka kaga raray dhulkii Masalaha ee lagu muransanaa,isla markaana waxa uu soo

dhaweeyey guddidii uu u saaray xalinta murankaasi ka dhashay dhulka Masalaha ku yaala.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle waxa uu si adag ugu jawaabay hadal ka soo yeedhay Suldaan Yuusuf

Muxumed Xiirey, isaga oo kula taliyay inuu noqdo Suldaan degen oo aan duul-duul badnayn.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Aniga oo ah Suldaan Cawil

Maxamed Fiiqle waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimo aan xalay ka daawanayay warbaahinta

Somaliland, oo meesha ay ka bilaabeen iyo waxa ku kalifay aan garan-waynay,waxa la yidhi “Waxaad ku

hadasho waxa laga odhanayo maad hadasheen”.Xalay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey aad ayuu ugu tiiq-

tiiqsaday ciidamada qaranka,ha la ilaaliyo,Ciidamada qaranka iyo qaranimada iyo waddaninimada, iyo

Somaliland-nimada ciddina nagama jecla,Annagaa ayaa ilaalinayna,laakin cidda wax ku lunsanaysa ee

sharaftii dawlada ku lunsanaysa Garoomadii kubadda ma ogolin, ceebna maaha.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ciidamada qaranka ee uu

maanta aadka afka ula dhacayay, waakii Xerrada Ciidamadda ciidan beeleedka ku weeraray ee miyiga

uga soo gurey oo iyaga oo hurda ku mirey, way noo muuqatay oo kumaanaan dhalaaceyn oo waan ka

aamusnay oo waan u xil-qarinay”.

“Meel aan la isku dilin, oon ceeb la isku odhan, oo cid dan gaara wadata, la la hadlayo, ayuu aad ugu nuux

nuuxsanayay xalay. Waa nasiibdaro waxa ugu dhex jirana ma garanayo,iska dhaadhicinta iyo guul-

waleynta iyo is tusku waa wax xun haddii aad tahay madax-dhaqameedka. Suldaan Yuusuf marka uu

halkaa (Dhulka Masalaha) ka hadlayay wax laga dhex qodaa kumay jirin. Akhyaar ayaa hadashay wax ay

khalad u arkeen oo ah inaan darajada ciidamada shacabka loo adeegsanin, cid lamay dagaalamin, cid

kacdoon kumaysamaynin, oo dadka way dajinayeen oo nabadgelyada way ilaalinayeen”.Ayuu yidhi

Suldaan Cawil

“Waxaan dawlada iyo shacabka reer Somaliland u sheegaynaa Ciidamada qaranku waa ciidamadayadii,

waa inamadayadii, waanu ogol-nahay oo xumaan uma ogolin, wax xad-gudub ahna uma ogolin, cidda

darajada sidata ee xilka loo dhiibay ee sharaftii qaranka sidata, in dhulkaa (Masalaha) oo dad maati ah

laga raray oo ay lahaayeen inay awood u adeegsato ma ogolin. Maanta joornaalka ayaan arkay oo

Madaxweynaha ayaa Digreeto soo saaray oo uu ku mahadsan yahay, inuu yidhaahdo arrintaa (Muranka

Dhulka Masalaha) ha la galo oo si dhakhso ah ha loo galo, Ciidankuna xeryahoodii ha ku eekaadaan,

boqolkiiba boqol (100%) waanu ugu hambalyeynaynaa hadalkaasi, waa hadal masuul, waa mid

madaxweyne waa midkii aanu ka eegaynay ee laga dalbaday…markii uu Suldaan Yuusuf Xiirey

hadlayayna waanu ogeyne waraaqdaasi way taalay,wax la dhameeyey oo madaxweynihii dalku ka

jawaabay ka hadalkeeduna waa nusqaan.waxaan leeyahay Suldaan noqo Suldaan degen, suldaan dul-

duul-yaqaana ha noqon, saldanadu masuuliyad ayay leedahay, culeys ayay leedahay, hubsasho ayey

leedahay.Haday wax dhacaana maxaad sameyn lahayd? Iyada oo aanay waxba dhicin ayaad sidaad og-

tahay u hadlaysay, oo weliba cadho ka muuqatay, iyada oo sidaadii oo kale la sameeyo maxaad yeeli

lahayd oo ciidan xeryihii dawlada jooga habeen la miro…. Suldaan Xiirey reer (Ciidagale) ayaad la

hadlaysay, oo iyagu may hadlin, way ka naxeen oo dhib ayay u arkayeen, wax cid lagu eedeeyo umay

arkayn, waanu soo ogaanay inaad xagayaga jilicsan aad eeganayso oo aad magac ku heleyso.! Wax

magac ah ku heli maysid”.Sidaa waxa uu Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle ku sheegay mar uu shalay u

waramayay qaar ka mida warbaahinta.

Mar uu ka hadlayay Suldaan Cawil Fiiqle sababta ka hadlisay waxa uu yidhi“Waxa maanta naga hadliyay

talaabada khaldan ee uu qaaday Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale, ee uu ku

adeegsanayo awooda ciidanka iyo darajada, Madaxweynuhu waa inuu ogaadaa cidda darajadii uu bixiyay

waddada khaldan ku qaadaysa, cidda waddada wanaagsan ku mareysana ku ogaadaa- In Shaqale dhulka

mar hore ayaa shaqada lagaga eryay, hadana waa lagu soo celiyay, tii uu xilka ku waayay ayuunbaa u

muuqataa, wax hore ku gaadhay hadaad ku xisaabtami-waydo waa dhibaato.Waxa ku saaran sharaftii

Somaliland iyo sharaftii ciidamada qaranka ee dhul ha ku lumen ee ilaasho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here