Sudan Oo Joojiyay Fiisaynta Baasaboorka Somaliya

0
149

Sudan(SDN)Dalka Sudan ayaa mar kaliyaata ku dhawaaqay inuu joojiyay fiisayaashii dal ku galka ee ay siin jireen baasaborka Somaliya.

 

Arintan oo loo aanaynaayo arimo la xidhiidha dhanka tahriiba ayaa saamayn balaadhan ku yeelanaysa tiro aad u badan oo ka mid ah dhalinyarad Soomaalida ah ee dalka Sudan wax ka barta.

Mid ka mid ah saraakiisha safaarada Somaliya ee Sudan Cabdiqaadir Cali Gulane oo laanta afka Soomaaliga ee BBC-du la hadlay ayaa xaqiijiyay warkaas waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Sudan mar kaliyaata ayuunbay joojisay inay dal ku galkii u fiisayso dadka sita baasaboorka Somaliya.”

 

 

Sarkaalkan oo la waydiiyay sababta safaaradooda loo soo wargalin waayay waxa uu yidhi”Sudan waa ay aqoonsantahay waana safaarad calankeeda leh oo meesha ka taagan, hasa ahaatee go’aanka lama gaadhsiin xataa wasaarada arimaha dibada ee Sudan, waana go’aan ku eeg xafiisyadii dal ku galka, xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliya iyo Sudan oo ah mid weyn suurto gal maaha inuu sidaas yar ku burburo.”

 

 

Sarkaalkan oo la waydiiyay talaabada ay qaadayaan waxa uu yidhi”Waxaanu la xidhiidhaynaa wasaarada arimaha dibada go’aankan iyo saamaynta uu ku leeyahay Soomaalida, oo Soomaalida halkan joogta ilaa toban kun waa ay ku dhawdahay, arday todobokun ka badan iyo kuwo kale oo leh mihnado ganacsi, dhibaatada haysata Soomaaliduse waa dhanka tahriibka waxaanu rabnaa in Sudan aanu kala hadalno dadka Soomaalida tahriibinaaya in wax laga qabto, kuwaas oo ay ku lug leeyihiin Suudaaniyiiin badan anaga dadkayaguna waa dhibanayaal Sudan Soo mara oo Saxaraha iyo Liibiya ku baa’ba lacag badana waa laga qaataa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here