Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Kulanka Guud Duulista Hawada ee ka furmay Canada (Daawo Sawirro)

0
137

Kulanka guud ee Golaha Hay’adda Qaramadaba midoobay u qaabilsan Duulista Hawada (International Civil Aviation Organisation (ICAO)) ayaa ka furmay Magaaladda Montreal Canada oo ay ku taalo Xarunta dhexe ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Duulista Hawada.

Kulankan ayaa furmay 27 September wuxuuna socon doonaa illaa 7 October 2016, Kulankan ayaa ah mid la qabto sadaxdii sano mar, waxaana kasoo qeybgala 191 dowladood oo xubno ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo Hay’addo caalamiga ah oo lagu casuumay kulanka.

 

Inta kulanka lagu guda jiro waxaa dhameeystiri doonaa dejinta siyaasadda, Farsamadda, wax wada qabsi iyo horumarka mustaqbalka Duulista Caalamiga ah. Sidoo kale waxaa la dooran doona guddiyadda ay hay’adda ka koobantahay dal walbana wuxuu leeyahay hal cod oo lagu dooranayo guddi walba.

 
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa u matalaya Soomaaliya kulankaas isagoo hogaaminyaa wafdi ka kooban saddex xubnood uu ka mid yahay Amabassador Jamaal Maxamed Xasan.

Maareeyaha iyo Wafdigiisa ayaa la kulamo gaar ah la qaatay Xoghayaha guud ee ICAO iyo Madaxweynaha Golaha Guud ee ICAO ayagoo ka wada hadlay dardargelinta iyo soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo dhowr jeer hore dib u dhacyo ku yimideen, kulankooda ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here