Soomaalidii Kunooleed Angola oo bilawday in dalkaasi kasoo tagaan iyo Sababta ka dambeysa

0
100

Dalka Angola waxaa mudooyinkii dambe gacansi aad u xoogan ku yeeshay Soomaali aad u badan oo ka kala tagya gudaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Wadamada Caalamka, waxa uuna dalkan ahaa mid dhaqaalihiisa si weyn usoo korayay ayna ka faa’iideesteen Soomaali badan oo ganacsi ka abuurtay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay tagay dalka Angola kuwaa oo u tagay in ay ganacsiyo ka abuurtaan iyo kuwa kale oo iyana u tagay in ay ka shaqestaan, waxaana Soomaalida dalkaasi kasoo gali jray dhaqaalo aad u xoogan.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa is badal badan waxa uu ku yimid ganacsigii iyo dhaqaalihii dalkaasi,, waxaana isbadalay sarifka lacagta Dollar oo gaaray halkii ugu xumeed, waxa ayna taasi keentay in ay ku adkaato Soomaalida kunool dalkaasi in ay kasii shaqeestaan nololna ka abuuraan dalkaasi.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dalka Angola u tagay in ay ka shaqestaan ayaa hada bilaabay in ay dalkaasi kasoo tagaan kuna soo laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya, kadib markii uu xumaaday ganacsigii dalkaasi ayna adkaatay in dalkaasi ay kusii noolaadaan.

Waxaana magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray Soomaali badan oo kasoo laabtay dalka Angola , waxaa sidoo kale jira Soomaali badan oo iyana dalkaasi kasoo xir xirtay boorsooyinkooda kuwaa oo qorsheenaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Arimahan ayaa sabab looga dhigay sicir barar dalka Angola ka jira iyo sarifka oo sare u kacay, waxaa sidoo kale kordhay dhibaatooyinka iyo dhaca ay Soomaalida kala kulmaan dadka burcada ah ee u dhashay dalkaasi.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here