Soomaalida kunool Kenya oo cabsi lasoo daristay iyo Meydadka sadax qof oo Soomaali ah dalkaasi laga helay

0
128

Soomaalida kunool dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi, ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan in la afduubto kadibna la dilo.

Sadax nin oo Soomaali ah oo in mudo ah la la’aa nolol iyo geeri ayaa ugu dambeyn maalin kahor waxaa meydadkooda laga helay webiga Muranga ee mara bartamaha Kenya., waxaana meydadkaasi midkood oo la aqoonsaday lagu aasay Magaalada Nairobi, halka kuwa kalana ay wali yaalaan isbitaal.

Dadkan Soomaaliyeed ee meydadkooda la helay ayaa mudo bilooyin ah warkooda la la’aa, waxaana meydadkooda laga helay hareeraha Wabiga Muranga, waxaana jirkooda ka muuuqday jir dil xoogan oo loo geestay.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo Soomaali ah oo iyana bilooyin kahor la waayay, waxaana ehelada dadkaasi lasoo daristay cabsi la xariirta in iyana la dilay , inkastoo aan si rasmi ah loo heyn wax war ah oo noloshooda ku aadan dadkaasi Soomaaliyeed ee la la’yahay.

Dadkan Soomaaliyeed ee qaarkood meydadkooda la helay iyo kuwa wali la la’yahay ayaa waxaa qafaashay rag watay dareeska ciidanka booliiska Dalka Kenya, waxaana jira tuhuno la xariira in booliisku falkaasi ay ku lug leeyihiin.

Cabsi xoogan ayaa hada lasoo daristay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi iyo magalaooyin kale oo kuyaala Dalka Kenya, waxa ayna dadkan ka baqaayaan in la qafasaho kadibna la dilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here