SONYO HALKEEBAY KU SOCOTAA ???

0
168

Bismilaah; marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba bulsho waynta Somaliland iyo guud ahaanba saxaafada madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, intaas ka dib maalmahan waxa si is daba jog ah u soo baxayay xilwareejino ku saabsan hogaanka SONYO, oo bishan January 2015 qabsoomay laba jeer, taas oo muujinaysa sida ay u sii kala fogaanayaan labada garab ee Dallada SONYO.

sonyo

Bur-burka Dallada SONYO oo beryahanba isasoo tarayay ayaa u muuqda mid iminka maraya halkii ugu saraysay maadaama ay jiraan oo la sameeyay laba Gudoomiye oo daladaasi ay leedahay taasina ay dhaawac ku tahay asaasayaashii Dallada Dhalinyarada iyo horusocodkii ay ku talaabsanaysay Dalladaas.

Khilaafkan dallada Dhalinyarada SONYO ayaa yimid ka dib markii Dalladaas lagu magacaabay dallada Dhalinyarada Heer Qaran taas oo aan ahayn heer qaran ee la mid ah Dalladaha kale ee dhalinyarada Somaliland ee ka shaqeeya Somaliland.

Bur-burka dalladan waxa soo dadajiyay ayaa la odhan karaa cadaalad darro baahsan oo dallada u noqday hoy, taas oo kaliya laga fuudh yeeli jiray hogaanka iyo maal galintaba ururo gaara oo si dhow dallada hogaankeeda ay saaxiib u noqdeen, yadoo aanay jirinba ama ay aad u yar yihiin ururada ka shaqeeeya bariga Somaliland in aanay waxba ku qabin dalladaas yagoo hadana ka diiwaan gashan, iyo dalladii oo majaraheedi laga leexiyay oo lagu milay siyaasada dalka taas oo dhabar jabka ugu wayni kaga yimid dhinacaas siyaasada waayo waxa la siyaasadeeyey socodkii yo wax qabadkii dalldaas.

Ku hirdanka asxaabta siyaasada ee Dallada ayaa keentay in laysu tanaasuli waayo oo group walba uu u caddaado uun hadafkooda gaar ka ah ee taageersan qayb ka mid ah siyaasiyiinta dalka, waayo dallada oo ka madax banaanayd siyaasad noocay doonto ha ahaato e ayaad arkaysayaa inay aad ugu xidhmeen ama ugu dhowaadeen xisbul xaakinma dalka ka arimiya taaso oo dhalinyaradii kale ee dalladu ka dhaxaysay ay qaar ka mid ahi ka biyo diidaan sida dalladii loogu gacan galiyay xukuuumada oo dadka qaar uba yaqaanaan dallada ama hay’ad dawladu si toosa u maamusho una maal galiso.

Waxaad arkaysan oo idiin muuqda oo aan cidnaba ka qarsoonayn in wasiiro gaar ahi ay si toosa gacan ugula jiraan arimaha dallada SONYO taasina waa waxa keenaya dhabar jabka iyo sii kala fogaanshaha Dhalinyaradii markii horeba samaysatay Dallada.

Waxaan ku talin lahaa anigoo ka madax banaan waliba dallada SONYO in ay arimahooda ku dhamaystaan miiska wada hadalka yagoo ka madax banaan dhamaan siyaasada iyo cidii ku lug lehba oo ay isu kaliyaystaan garabyada kala fadhiya ee group walba samaystay gudoomiyaha, waayo sharci nimada gudoomiyu waxay ku imanaysaa marka dhamaanba xunbaha dalladu si wada jir ah u doortaan, inta ka horaysa la kala yahay laba group oo siman, waayo gudoomiye waliba asxaabtiisa ayaa dooratay oo uu gudoomiye u yahay markaa wadadaa qaloocan ee SONYO ku socotaa waa mid aa n la mahadin doonin hadii ay sidaas sii ahaato.

Lasoco qaybaha danbe…

Allaa Mahad leh

By Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here