Somaliland oo Dhismo ay ku shaqeyso Safaaradeeda laga siiyay Adis Ababa

0
303

Addis Ababa (SDN) Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay si dad ban u aqoonsatey madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland .

Taalaban ay qaadey dawlada Itoobiya ee la odhan karo si dadban ayey Somaliland u aqoonsatey ayaa waxaa ay tahay dawlada Itoobiya u dhisme aad u qurux badan siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, taasoo ah calaamad muujineysaaqoonsi. maadaama Somaliland ay horay iskeed ugu dhawaaqday inay tahay dal ka madax banan dalkii la isku odhan jiray Somaliya

 

Dawlada Somaliland waxay horay wakiil ugu magacawday Itoobiya, kaasoo degenaa dhisme kooban oo ka yar kan iminka la siiyey

Image may contain: house and outdoor

 

Dhismaha cusub ee dowladda Itoobiya siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa waxaa uu ku yaalla Xaafada Bole, waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawirka dhismaha iyo boodh uu ku qoran afka English-ka”The Republic of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa”, (Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

No automatic alt text available.

Dhismahan cusub ee ay ku shaqeyn doonto Xafiiska Diblomaasiyadda Somaliland ayaa waxaana ka taagan calanka Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here