Somaliland iyo Ethiopia Oo Wada Hadalo Ku Leh Jigjiga

0
124

Jigjiga(SDN)Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia kulan kula qaatay wasiirudawlaha arrimaha dibadda Ethiopia iyo madaxda dawlad degaanka Ethiopia.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo door ah oo ku saabsan wada shaqaynta labada maamul iyo isu socodka bulshooyinka Somaliland iyo Itoobiya, sida wasiirka arrimaha dibadda Somaliland u sheegay BBC-da.

“Shirkaasi wuxuu ahaa mid loogu gogol xaadhayo walaaltinimada iyo wanaaga labada dal u dhexeeya sidii loo balaadhin lahaa, oo aanu waxyaabo badan oo xagga xuduudaha, xagga nabadda, xagga bulshada, xagga wada shaqaynta, xagga tahriibta oo adigu dhinacyo badan taabanayaa aanu kagaga wada hadalnay,” ayuu yidhi wasiir Biixi.

 

Weftigan Somaliland oo sidoo kale socdaalkoodu la xidhiidhay ammaanka, kulana la yeeshay saraakiil dhinaca ammaanka ah oo Itoobiya ah ayaa la waydiiyay waxa ka cusub ammaanka, waxaanu wasiirku yidhi “Kilalka Soomaalida Ethiopia waxaanu nahay jaar, markaa waxaanu ka wada hadlaynay sidii aanu ammaanka iskaga kaashan lahayn, sida Argagixisada iyo sidii xog doonka labada dhinac isku kaashan lahaa.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay ka wada hadleen dhinacyada tahriibta oo uu sheegay in tahriibeyaal badan oo Itoobiyaan ahi sii dhex maraan Somaliland, halka kuwo Somaliland ahina dhex maraan Ethiopia.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dawladda Ethiopia Wajaale keentay 75 dhalinyaro Somaliland ah oo dawladda Itoobiya ka soo qabatay xuduudka ay Suudaan la wareegto, kuwaasi oo waaxda socdaalka Somaliland la wareegtay. Waxaa sidoo kalena Somaliland hore Somaliland Ethiopia ugu wareejisay tahriibeyaal Ethiopian ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here