Somaliland Dal Hodan Ku Ah Wax Soo Saarka Dabiiciga Ah, Hadaba Saamayn Intee Leeg Ayuu Ku Leegyahay Waxsoosaarka Wadanku Dhaqaalaheena?

0
211

Somaliland waa dal ku yaala mandaqada geeska afrika kaasi oo hodan ku ah waxsoosaarka dabiiciga ah sida Beeraha,Xoolaha Nool, Macdanta Iyo Kaluunka kaasi oo qayb laxaad leh ku leh dhaqaalaha wadanka waxana la qiyaasaa in Somaliland dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay 65%, waxaana badi dadka ku dhaqan Somaliland ay inta badan aad u tixigaliyaan dhanka Xoolaha oo noqonaya mida ugu weyn ee la taabankaro xaga dhaqaalaha dalka.

 

 

Sanadka kasta waxa Somaliland la dhoofiyaa xoolo gaadhaya ilaa 7 Miliyan(Todoba Milyan) kaasi oo kor u qaada xaga dhaqaalaha wadanka iyo kan bulshadaba,geesta kale waxa iyadna ka mid ah wax soosaarka ay Somaliland ku faani karto xaga dhaqaalahana saamayn weyn ku leh waxsoosaarka Beeyada Iyo Fooxa oo ah geedo udgoon oo laga sameeyo xadarada iyo waxyaabaha Laysku carfiyo oo dhan waxaana laga helaa deegaano gaar ah oo ka mid ah gobolka ugu balaadhan Somaliland oo ah Sanaag kaasi oo sanad kasta lagu tilmaamo in ay ka soo xarooto dhaqaale adag oo kor u qaada haynta maaliyadeed ee Somaliland.

Kaluunka iyo wax soosaarka beeraha oo iyagu se ahayn mid dhaqaale badani Somaliland ka soo galo balse Somaliland lagu qiyaaso xaga beeraha in dhulka wax laga beeri karo uu yahay 10% balse la beerto wax ka yar 3.4% ilaa 4% dhul lagu qiyaasay kuwaasi oo aan kafayn wali baahida gudaha balse ay macquultahay hadii la kobciyo waxsoosaarkaasi in la dhamaystiri karo baahida xaga waxsoosaarka beeraha oo haatan hoosaysa.

 

 

Hadaba xidhiidhka ka dhexeeya dhaqaalaha Somaliland iyo waxsoosaarka ayaa ah mid aan xumayn balse aan ahayn mid halkii la rabay gaadhay o noqda isha ugu balaadhan ee umada reer Somaliland ay ku wada taami karto waxaana muuqata in maalinba maalinta ka danbaysa ay meesha ka baxaysa waxsoosaarka dalku dhankasta ha noqotee Dhaqaalaha Somaliland oo lagu qiyaaso 1.3 Bilyan(Hal Dhibi Sadex Bilyan Oo Doolar) halka miisaaniyada sanadkii ay noqoto 295 Milyan(Laba boqol iyo shan shagaashan ) oo aad u yar ayaa u baahan in la kobciyo sidii ay Somaliland isku filaansho uga gaadhi lahayd xaga dhaqalaha oo suura galiya dhaqaajinta iyo dhisida horumarka dalka.

 

 

Talada ugu mihiimsan ee lagu wada dhaqaaqi karo in ay dadku badiyaan waxsoosaarka dabiciiga ah iyo ka faaiidaysiga khayraadka dalka si uu horumar u gaadho taasina waxay buuxinaysa in ay meesha ka baxdo shaqaala yarida,macaluusha,abaaraha iyo waliba dhibaatada ugu weyn ee haysata dhalinyarada oo qiyaas ahaan lagu qiyaaso 75% in ay yihiin dhalinyaro.

Gebogabadii waxa muhiim ah in ilgaar ah la siiyo waxsoosaarka dalka oo u baahan in ay si wada jir ah shacabka iyo dawladuba u libin laabto kaasi oo meesha ka saari doona in ay Somaliland ka maaranto gacan shisheeye in ku noolaan shaha waxsoosaarka wadamo shisheeye.

Hussein Ibrahim Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here