Somalia Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Xayiraada Xawaaladaha Somaliada

0
211

Nairobi(SDN)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Magaalada Nairobi Kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Willium Ruto oo ay ka wada hadleen Dhowr qodob oo kala ahaa Xayiraadda Dowladda Kenya ay dhawaan saartay Xawilaadihii Soomaalida, Dib u celinta Dowladda Kenya ay Seddexda Bilood u Qabatay ee Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku jira iyo sidii la iskaga kaashan lahaa ka hortagga falalka Argagixisonimo.

 

Kulanka Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Ruto sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda ee labada dal, waxaana Kulankaasi uu dhacay Subaxnimadii Axaddii shalay ahayd.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa wada hadalka ka dib saxaafadda u sheegay in lagu ballamay sidii loo fulin lahaa dhammaan qodobada laga wada hadlay.

 

Wasiirku waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay Kenya u soo jeedisay in si deg deg ah loo qaado Xayiraadda Lagu soo rogay Xawilaadaha Soomaalida, kuwaasi oo weli xiran.

 

Ugu dambayntii Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in go’aamada dhaxal galka ah ee wada hadalkaasi ka soo baxay ay ka mid yihiin in dib u eegis lagu sameeyo mudada 90-ka maalmood ah ee Dowladda Kenya ay u qabatay inay dib u celinayso Qoxootiga Soomaalida ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here