Somali Kenyan Araga la’ oo loo diiday in uu magan galyo ka helo Dalka Australia + Sawir

0
170

Dowlada Australia ayaa u diiday in ay magan galyo qaxootinimo ay siiso Nin Soomaali Kenyan ah oo lagu magacaabo Dr. Siyaad Abdi, ninkan ayaana ah nin naafo ka ah araga.

Dr. Siyaad Abdi, oo 47-sano jir ah ayaa mudo dheer sugayay in uu helo magan galyo qaxootinimo, waxa uuna dalka Australia kunoolaa mudo 11-sano ah, waxaana dalkaasi intuu uu kunoolaa ugu dhashay labo caruur ah.

War kasoo baxay Waaxda socdaalka Dowladda Austalia, ayaa lagu sheegay Dr. Siyaad Abdi loo diiday in uu dalkaasi ka helo magan galyo qaxootinimo, waxaana ninkan loo qabtay mudo 28-maalmood ah in uu uga baxo Dalka Australia.

Sababaha ninkan Soomaali Kenyanka ah codsiga magangalyo loogu diiday ayaa lagu sheegay in uu ku dhacay baaritaan lagu sameeyay oo dhinaca caafimaadka ah,maadaana uu ninkan yahay ruux naafo ka ah araga.

Dr. Siyaad Abdi ayaa sheegay in uu aad uga xunyahya in loo diido magangalyadii uu dalbaday, waxa uuna intaa raaciyay in racfaan ka qaadan doono go’aankan kasoo baxay Waaxda socdaalka ee dalka Australia.

Madaxa Ururka naafada ee Dalka Australia ayaa go’aanka kasoo baxay waaxda socdaalka dalka Australia ku tilmamaya mid aan la qadaan karin , waxa uuna xushmad daro ku tilmaamay in qof magangalyo loogu diido in uu naafo yahay awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here