SOLJA: War-Murtiyeedka Kal-fadhiga 1aad Ee Golaha Sare Oo Hargeysa Ku Qabsoomay

0
216

Hargeisa(SDN)Kal-fadhigii 1aad ee Golaha sare ee shanaad ee Urrka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo

shalay ku qabsoomay xarunta dhexe ee ururka Magaalada Hargeysa ayna ka soo qayb galeen 12-

xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Goluhu ayaa waxa lagu naaqishay

qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen dhagaysiga warbixino ay madasha shira ka soo

jeediyeen Guddi-Hoosaadyada Golaha, Hawl-qabadka Xafiiska Fulinta ee Ururka oo xunaha

golaha sare ay warbixintiisa ka dhagayseen ku simaha Agaasimaha Fulinta ee SOLJA. Sido kale

guddidu waxa ay warbixin dheer ka dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud

warbixintaasi oo la xdhiidhay dhammaan hawl-galkii SOLJA ee mudadii hogaanka cusub xilka

ururka hayeen laga oo bilaabo 7-dii January 2015 oo ahayd maalinti rasmi ahaan golaha sare ee

ururku xilka la wareegeen, Warbixintaasi oo dhinacyo badan ka taabanaysay wax-qabadka

ujeedooyinka ururku u aasaasan yahay. Sidoo kale kalfadhiga koowaad ee Golahan waxa shalay

lagaga hadlay qorshayaasha Lixda bilood ee soo socda ururku ka shaqayn doono iyada oo

qiimayn lagu sameeyey qorshe-biloodyadii hore ee ururka u yaallay wixii ka qabsomay iy wixii

qabyo ahaa.

Hogaanka Ururka oo kala ah Guddoomiyaha, Gudd/Xigeenka iyo Xoghayaha guud ayaa halkaasi

ka soo jeediyey warbixino dhaadheer oo si faahfaahsan uga warramayay hawlihii shaqo ee

mudadaa saddex biloodka ah, sida weriyayaashii la kulmay xad-gudubyada, kuwii xanuunsaday

iyo tallaabooyinkii ay hogaanka ururka iyo gudidooda difaaca suxufiyiintu ka qaadeen

abuuritaan jawi is afgarad oo u dhexayn kara suxufiyiinta shaqadooda ku jira iyo dhinacyada

kale, xidhiidhadii lala sameeyey hay’adaha samafalka, mashaariicdii la diyaariyey iyo waxa ka

soo noqday, dakhligii soo galay iyo waxyaabaha lagu qabtay, oo ay soo raacaan yagleelidda

xarun tababar iyo maktabad u gaar ah suxufiyiinta oo laga hir-geliyey Xarunta ururka, agabka

adeega xafiiska looga baahnaa ee la soo kordhiyey sida gaadiidka iyo qalabka xafiisyada.

Xubanaha Golaha sare ee SOLJA waxa ay doodo iyo talooyina ka yeesheen islana qaateen in la

laban laabo oo la xoojiyo difaacidda xuquuqda suxufiyiinta ka hawl gala dalka iyo ilaalinta

xorriyatul qawlka guud ahaan taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen cabashooyin la

xidhiidha arrimahaasi taasi oo Goluhu isku raacay in dhinac kasta oo ay khusayso lagala

shaqeeyo sidii gabi ahaanba dalka looga cidhib tiri lahaa tacaddiyada ka dhanka ah xorriyatul-

qawlka.

Gabagabii Shirka Golaha Sare Ee SOLJA Waxa Ka Soo Baxay Qodobadan:

 In la kordiyo ilaalinta difaaca xuquuqda suxufiyiinta Somaliland lana yareeyo

tacaddiyada ay la kulmaan saxaafadda iyo suxufiyiintu iyada oo SOLJA si walba ugu

dadaali doonto sidii albaabada loogu furi lahaa xarumaha warbaahineed ee xidhan sida

Wargeysyada HUBAAL iyo HAATUF

 Mudadii uu xilka hayay hogaanka ururku waxa uu ku guulaystay in ay si degdeg ah u

soo daayeen 10 suxufi oo siyaalo kala duwan loogu xidhay gobolada dalka kuwaasi oo

isla markii xadhiga lagula kacayba ay wada hadalo kala galeen xukuumadda kuna

baaqayaan in aanay soo noqon xadhiga suxufiyiintu.

 Hogaanka SOLJA mudadii ay xilka hayeen waxa ay si maalin leh ula socdeen una

eegayeen wararka iyo barnaamijyada ay baahiyaan suxufiyiinta iyo hay’adaha

warbaahineed kuwaasoo ururku wax badan ka qabtay sidii loo tayayn lahaa wixii dhib

ah ee warbaahintu gaysatay, qiimayntan iyo la socodkan ayaa la joogtayn doonaa iyada

oo SOLJA kula xisaabtami doonta warbaahinta tacadiyada ay gaystaan difacina doonta

xuquuqdooda iyo xorriyatul qawlka.

 SOLJA waxa ay iska xil saartay door weyna ku leedahay suxufiyiin dhawr ah oo ku

xanuusanaya dalka kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey u jifay xanuuno kala

duwan iyada oo hawsha saxafiyiintaasi lagu gargaarayaana uu ururku gacanta ku hayo

 Dardar gelinta xidhiidhadii aadka u badnaa ee mudada kooban Hogaanka SOLJA la

sameeyeen daneeyayaasha caalamiga ah ee arrimaha saxaafadda (Media Stakeholders)

iyo xorriyatul qawlka, iyo daba galka mashaariicdii daneeyayaashaasi ballan qaadeen

sidii SOLJA uga midh dhalin lahayd. Mashaariicdaasi oo qiimo weyn ugu fadhiya guud

ahaan saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland.

 In la ambaqaado lana dardar geliyo guusha taariikhiga ah ee markii ugu horraysay

taariikhda SOLJA laga gaadhay bogga cusub ee u furmay iyada iyo daneeyayaasha

arrimaha saxaafadda ee heer Gobol, mid qaaradeed iyo mid caalamiba oo si rasmi ah

markii ugu horraysay u aqoonsaday muhiimadda wada shaqayneed ee SOLJA iyo in ay

dhisaan awoodda ururka

 Mudadii koobnayd ee Hogaanka SOLJA xilka hayay waxa ay ku guulaysateen in ay

abuuraan deegaan iyo jawi ku habboon hawlaha ay SOLJA u hayso saxaafadda iyo

suxufyiinta oo ay ka mid yihiin qalabayn weyn oo lagu sameeyey xafiiska ururka

qaybihiisa kala duwan taasoo keentay in ay xafiiska ku soo xidhmaan suxufiyiin badani

kana faa’iidaystaan tashiilaadka (Facilities) laga hirgeliyey xarunta

 Waxa xusid mudan in ururku u hawl-galay sidii gunne joogto ah loo siin lahaa qoysaska

ay ka baxeen Alla Ha U Naxariistee Suxufiiintii kala ahaa: M M. Kastan, Cabdiweli

Faarax Jaambiir, Siciid Ismaaciil Guraase iyo Maxamed Rashiid Muxumed Faarax taasi

oo hirgashay Wasaaradda Warfaafintuna ku ammaanan tahay doorka ay arrinkaasi ka

gaysatay

 Kulanka Golaha sare ee SOLJA waxa loogu mahad celiyey dhinacyadii kala duwanaa ee

kaalinta muhiimka ah ka ciyaaray kor u qaadidda awoodda ururka si uu ula jaan qaado

uradada dhiggiisa ah ee heer qaaradeed iyo mid caalami ahba iyada oo si gaar ah loo

xusay shirkadihii gacanta ka gaystay arrimahaasi aan kor u soo sheegnay, gaar ahaan

doorki shirkadaha waddaniga ahi ka gaysteen qalabaunta xafiiska iyo Arrimaha

Lojistikada

 Golaha sare waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey shaqaalaha agaasinka guud ee

xafiiska oo ay ka dhigeen shaqaale rasmi ah markii ugu horraysay taarikhda urura

(Permanent Staff)

 Golaha sare waxa ay ansixiyeen qorshe hawleedka iyo dib u habaynta nidaamka xafiiska

(Office Manuals) oo la diyaarin doono muddada dhaw iyada oo loo xil saaray khubaro la

taliyayaal ah oo xafiiska ka caawin doona diiwaanada nidaamka xafiiska oo dhan.

 SOLJA waxa ay dhawaan dalka ka bilaabi doonaan diiwaan-gelin rasmi ah oo lagu

samayn doono dhammaan suxufiyiinta Somaliland ee rasmiga ah si meesha looga saaro

cid kasta oo aan mihnaddan ku abtirsan balse ugu shaqaysata sifo baal marsan nidaamka

dalka u yaalla, iyada oo ujeedadu tahay si loo helo Xogta rasmiga ah ee Suxufiyiinta

Somaliland

 

 

Allaa Mahad Leh

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

_________________________

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here