Hargeysa(SDN)Siyaasiga caanka ah ee Xirsi X Xasan oo ilo ku dhaw sheegeen in uu ka nasanyo siyaasada maadaama oo si weyn looga adkaaday arimaha siyaasada kaasi oo hada qorshaynaya sidii uu u bilaabi lahaa beero waa weyn oo ganacsi si uu shaqo abuur kale u samaysto kaasi oo la rajaynayo in aan mudadaas madaxwayne Muuse Biixi Cabdi hayo xilka wasiir nimo aan lagu arki doonin arimaha Siyaasada waa sida ay noo sheegeen ilaha warkani naga soo gaadhee.

 

Xirsi oo ahaa xubnihii ugu firfircoonaa xukuumadii Axmed Siilaanyo wakhtigii danbena kaalin muuqata ka soo qaatay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hada u muuqda mid ka niyad jabay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii 13/11/2017 ka dhacday somaliland oo uu ku guulaystay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Xildiid iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici.

 

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, plant, tree, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, people standing, people walking, sky and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here