Siyaasi Soomaaliyeed Iyo Rayiga Dadweynaha

0
337

Siyaasada aduunka ayaa leh qaybo tiro badan oo kala duwan, kuwaas oo lagu
qoondeeyo xaaladaha kala duwan iyo meelaha ama deeggaanada kala duwan ee
caalamka. Waxa jira wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 200 kuna kala yaala 6
qaaradood, kuwaas oo uu u dhaxeeyo farqi dhaqaale, awood ciidan, awood wax soo
saar, iyo kala duwanaansho kale oo badan, hasayeeshee waxa ay ka siman yihiin
siyaasada iyo fikirada kala duwan ee lagu maamulo wadamadaas.

 

Ra’ayiga dadwaynaha ayaa hadaba ah mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan
looguna qadarinta badan yahay xagga siyaasada, sidaa darted fikirka ay
dadweynahu ay la wadaagi karaan, sidoo kale aragtida ay dadweynahu ka haystaan
siyaasi iyo ficiladiisa ayaa lagu go’aan qaata nooca shakhsi ee uu yahay siyaasigaas,
intaa kadib; in aad yeelato aragti wanaagsan oo aad ku raali galiso dadweynaha
ayaa waxay door wayn ka qaadanaysaa, indhaha ay dadku ku arkayaan waxaad
qabanayso. Siyaasiyiintu meelkasta ha joogeene waxay iskugu jiraan qaar
shaqadooda kasoo baxa iyo qaar ku fashilma inay qabtaan waxa loo igmaday, sidaa
awgeed taasi ayaa keenta ina lagu dhiiri galiyo ama lagu canaanto shaqadaas,
intaas kadib siyaasiyiinta Soomaalida iyo guud ahaan kuwa Afrikaanka ayaa waxay
caadayseen musuqmaasuqa, wax isdaba marinta, waxqabad la’aanta iyo
dhibaatayta dalkooda iyo bulshadooda, inkastoo ay jiraan qaar kamid ah oo aad u
yar, balse u shaqeeya sida uga fiican.

 

Ra’ayiga iyo fikirada bulshada ama dadweynaha ayaa qadarin weyn la siiya
dacalada aduunka, taas oo lagu maamuso samaynta iyo caawinta falsafadaha iyo
siyaadaha lagu isticmaalo deeggaankaas gudihiisa iyo dibadiisaba, in bulshadu
siyaasada wadanka, maamulka iyo siyaasiyiinta kala duwan indhahooda u gaarka
ah ku arkaa waa wax iska caadiya meel walba aduunka, balse in maamulkaasi ama
siyaasiyiinta qadariyaan ama u soo istaagaan soo jeedinta iyo ra’ayiga dadweynaha

SIYAASI SOOMAALIYEED & RA’AYIGA DADWEYNAHA

2
waa wax aad loogu kala duwan caalamka la kala dheereeyay. Bulsho walba waxay
ku meel martaa fikirada ay aaminsan yihiin iyo siday ula hawl galaan fikiradaa,
tusaale ahaan; fikirka ay bulshadu ka aamisan tahay madaxweynahooda ayaa waxa
u ka go’aan gaadhaa siday u fuliyaan amaradiisa iyo soo jeedintiisa, taas oo
macnaheedu yahay hadii ay ka aaminsan yihiin nin aan shaqadiisa ka adkayn
inaanay marnaba ku raacayn soo jeedimihiisa iyo go’aanadiisa, isla sidoo kale ayaa
haday aaminsan yihiin inuu yahay hawlkar ama qof shaqo adag ayaa waxay
saamaxaysaa inay si dagdag ah ula jaanqaadaan kuna fuliyaan dalabadiisa.

Intaa kadib siyaasiyiinta aduunka ayaa waxa ay aad u tix galiyaan fikirka iyo ra’ayiga
dadweynaha, halka ku Soomaalida iyo Afrikaanku ay yihiin kasoo horjeedkooda.
Siyaasada aduunka ayaa wakhtigan xaadirka ah wax ay maraysaa heer in la
tixgaliyo ra’ayiga dadweynaha daaye loo isticmaalo in iyaga lagu marin habaabiyo,
tusaale ahaan; in bulshada loo soo jeediyo fikir aad u xamasadaysan sida; waddan
hebel ma weerarnaa? Halka xaqiiq ay jiraan go’aano ay dawladu samaynayso oo
laga ilaalinayo in indhaha shacabku qabtaan.

Siyaasadan maaha mid kaliya ay isticmaalaan dawladahu, waxa sidoo kale isticmaalaha shirkadaha iyo ha’ayadaha waawayn, macnaha guud uu yahay in fikirka iyo ra’ayiga dadwaynuhu uu saamayn taban iyo mid toganba ku leeyahay meelkasta oo aduunka ah. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa hadaba waxay marag u yihiin aqoon darada ka haysata dhinacyo badan oo kala gedisan, taas oo keentay inay ku fashilmaan badiba inay si
dhamaystiran u qabsadaan shaqada loo igmaday.

 

Bulshada Soomaalida ayaa waxa lagu xantaa u nuglaanta hadalada dabacsan ee siyaasiyiinta sababo la xidhiidha baahida ay u qabaan maamul ama hoggaan wanaagsan balse taas ma beenin karto xaqiiqda ah in aanu jirin siyaasi daacadnimo, dulqaad, bisayl siyaasadeed, aqoon, karti iyo maamul wanaag laga dheehan karo, in yar oo faro ku tiris ah mooyaane.

Soomaalida dhinacyada ugu waawayn ee ka hor taagan horumarka ayaa waxa kaw

SIYAASI SOOMAALIYEED & RA’AYIGA DADWEYNAHA

3
ah aqoon la’aanta baahsan ee haysata dhamaan bulshada Soomaalida, taas oo
kamid ah; sababaha bulshadeena ay siyaasiyiintu ku marin habaabin karaan, balse
waxa sidoo kale jirta in ay Soomaalidu waayahan dambe ay aad uga horumarayso
xagga aqoonta iyo barashada cilmiga kala duwan, hasayeeshee aynaan wali
gaadhin heerkii loo baahnaa. Bulshada aqoonta ama tacliinta ka dhisan ayaa waxa
ay hormuud u tahay dhamaan bulshooyinka caalamka ee kala duwan, bulsho
aqoon leh ayaa waxa ay si toos ah u arki kartaa horumarka guud iyo ka gaar ah ee
ka socda deeggaanka ay ku nool yihiin, isla markaana ay ka war qabaan go’aamada
ay gaadhaan maamulkoodu haday xun yihiin iyo san yihiinba.

 

Guntii iyo gunnaanadkii maqaalkan ama qormadan ayaa waxa uu indho fur u yahay
bulshada Soomaalida ee loo isticmaalo sida qaybaha kala duwan ee saxaafada iyo
baraha bulshada iyaga oo loo buunbuuninayo waxyaabo ay tahay shaqada
siyaasiyiinteena, hadaba in ay siyaasiyiintu la wadaagaan bulshada shaqada
maalinlaha ee xaqa loogu leeyahay ayaa waxay keentay in ay soo jiidato
bulshadeena kala duwan, halka xaqiiqdu tahay in ay siyaasiyiintu qabanaan
waxaan ka badnayn shaqadooda maalinlaha, balse ay ka dhigayaan inay tahay wax
aad u wayn lagu dhiirtay.

 

Qormadan ayaa waxa sidoo kale waxa ay inay tusinaysaa
in ra’ayiga dadweynahu ama bulshadu uu muhiim u yahay siyaasiyiinta caalamka
iyo dhamaan go’aanada ay gaadhaan taas oo badanaa keenta iyo ka fiirsadaan waxa
ay dadka la wadaagayaan ama go’aan ay gaadhayaan, maadaama oo siyaasiyiinta
Soomaalida ama Afrikaanku aanay waxba u arkin ra’ayiga dadweynaha iyo
fikirkooda kala duwan ee ay ka aaminsan yihiin siyaasiyiinta iyo go’aanadooda,
sidoo kalena tixgalinta ay siiyaan soo jeedinta bulshada.

 

W/Q: Mukhtaar Mahdi Aadan
Tell: +252-63- 4056993
Email: Mukhtarmahdi10@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here