Siyaasi Maxamed Ismaciil Saalax Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeys

0
259

Hargeysa(SDN)Qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo aqoonyahanka xisbiga Kulmiye oo si weyn u soo dhaweeyey Siyaasi Maxamed Ismaciil Saalax oo maanta dalka soo gaadhay waxaan ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, Xoghayaha Gobolka Maroodijeex Sidiiq Cawil, Garyaqaan ku xigeenka guud Xuseen Balal, Aqoonyahan Xamse X Muuse iyo taageerayaal kale oo aad u tiro badan.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadaly Garyaqaan ku xigeenka guud Xuseen Balal oo halkaas ka sheegay in ay maanta diyaar u yihiin sidii ay u soo dhawayn lahayeen Siyaasi Maxamed Ismaciil Saalax oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu ololeeya xisbiga kulmiye waxaanu sheegay in uu wakhti wanaagsan ku soo beegmay siyaasigu taasina ay tahay wakhtigii doorashada oo maanta looga baahan yahay cudud iyo muruqba in uu la garab is taago xisbiga.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo sheegay in uu diyaar u yahay soo dhawaynta siyaasiga waxaanu sheegay in xisbiga kulmiye dheeryahay xisbiyada kale ay tahay xisbi lawada leeyahay oo ay ku midoobeen siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan oo dalkani leeyahay waxaanu hadalo soo dhawayn ah ku soo dhaweeyey siyaasi Maxamed ismaciil Saalaax.

 

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadaly Siyaasi Maxamed Ismaciil Saalax oo ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey waxa kale oo uu sheegay in tartanka saaxada siyaasada la dajiyo oo la dhawro nidaamka iyo hanaanka ololaha waxa kale oo uu sheegay in dhamaan bulshada ku dhaqan qurbaha ay aad indhaha ugu hayaan arimaha ololaha iyo dooroshooyinka waxaanu dhamaan sadexda xisbiba faray in la sameeyo hanaan wanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here