Siyaasi ismail yare oo dhabarka u ritay hawl xukuumadu dayacday

0
409

Hargeisa(SDN)Siyaasi Ismael Yusuf ‘’’ Ismail Yare ‘’’ oo maalmihi ugu dambeeyey dugsiyada sare ee magaalada Hargeisa ka waday wacyi gelin ku saabsan wadaniyada ayaa weli waxa uu sii wadaa ololihii uu dhalinta ku baraarujinaayay inay fahmaan qiimaha wadanka , isla markaana gutaan waajibaadka ka saran dalkooda iyo dalkooda.

ism 1

Saaka waaberigii ayaa Siyaasigu booqday dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar ( Ex- Gacan libaax ) waxaanu ardayda dugsigasi u jeediyay qudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysay isla markaana soo jiidatay dareenka muwaaadiniintii goob jooga ahayd.

 

Ismael Yare waxa uu ardayda uga sheekeeyey tacabki qarankan la soo geliyay , iyo dedaalkii gobanimo doo nee nafhurka ahaa , ee qaranka lagu badbaadiyay , iyo guulaha aan la iska indho tiri Karin ee qarankan Somaliland gaadhay , waxaanu ardayda ku baraarujiyay inay qorsheeyaan mustaqbal ifaya , isla markaana u tafa xaytaan , sidii ay ubadkooda u dhaxalsiin lahaayeen Somaliland nabad ah oo horumar iyo badhaadhe ku talaabsatay.

ism 2

 

Qoraal kooban oo Siyaasi Ismael Yare ku baahiyay bogiisa Facebook ayaa wuxuu ku sheegay , inuu sii wadayo Ololahan , isla markaana u qorshaysantahay inuu gaadho , dugsiyo badan oo caasimada ah oo ay ka mid yihiin , Ilays , Noradin Girls high school , Noradin 2 , SOS ( Sheikh) , Qalax ( Gebilay) , Jamaal Cabdinaasir ( Burco ) , Borama iyo welibaa Berbera.

 

Wacyi gelintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli ay dhalinyaradi wadanku si xad dhaafa isugu daadinayaan badaha , isla markaana aafada qabyaaladu si ba,an ugu dhex faaftay guud ahaan bulshada.

Ism

 

Waa markii ugu horraysay ee olole noocan oo kale ah laga fuliyo dugsiyada sare ww magaalada Hargeisa , xilli barashada wadaniyadu aanay ku jirin manhajka dawlada Somaliland. Waxaana marag madoon ah in Siyaasi Ismael Yare dhabarka u ritay hawl baaxadeeda leh , Isaga oo aan wax taageero ah ka helaynin hay,adaha dawlada iyo cid kale toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here