Siyaasasada jir-jiroole nimada ah ee Gudoomiye Ciro ma lagu aaminikaraa dal ka iyo dadka dhan ee Somaliland: Qalinkii.Axmed C/laahi Jaamac.

0
264

Somaliland waxay maraysaa mar xalad xaasaasi ah maa daama ay soo dhawdahay wakhtigii doorashada oo ay inooga hadhsan tahay bilooyin yar oo aad ukooban xisbiyaduna waxayisku diyaa rinayaan ama dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay ku gaadhi lahaayeen kursigaa loo tartamayo xisbidaasi dadaal kooduna waa sidii ay u kasban lahaayeen taageerayaal fara badan marka laga reebo xisbiga wadani oo isagu dhinaca kale u shaqaynaya, oo waxan loo ordayaaba aan isaga aanay umuuqan sababahan soo soda
awgeed.

 
Ninka gudoomiyaha u ah xisbigan wadani waa nin aan lahayn haba yaraatee nidaam hogaamineed kama muu qato ficiladiisa nin usocda in uu maamulo wadanka ama uu hanto.
Malaha go,aan qaadasho, sida lagu yaqaano dadka hogaamiya yaasha ah ee la yaan nmidabkay doonaanba ha lahaadaane.
Waa nin cadaalad daro hadhaysay ninka maanta xisbi cadaalad ka dhex samayn waayay ma lagu aamini karaa qaran dhan?

 
Waa ninka yidhi aniga cidi ilama tartamayso ku xigeen kaygana waa lala tartamayaa bal u fiirsada sidee qofka ficilada noocaas ah ku dhaqmaya loo amini karaa waxa soo socota marka la eego wax yaabahaa foosha xun ee uu ku dhaqmayo in laga waayo siday udhanyihiin gobolda galbeedka in laga waayo hal qof oo taageere u ah xisbiga wadani waxaana ugu wacan laba wajiila nimada gudoomiye ciro.
Hadal haynta ugu badan gobolada galbeedka waxa weeye laba wajiila nimada gudoomiyaha wadani waxayna dadku lee yihiin ninkani ujeedo kale oo uqarsoon ayuu ka leeyahay reer Awdal iyo Selel maxaa kur sigiisana bilaa moron ka dhigay reer awdal na uu iskugu garaacayaa halaga tashado.
In aanu uba socon kursigan waxa cadaynaya maba jirto hadaf cad oo siyaa sadeed oo uu wali soo bandhigay xibigani. Mana jirto nikaa gudoomiha ah oo dan xibigu lee yahay ka hadlaya wali lama hayo wakhtaga hadhayna waan wada og nahay.

 
Hadii uu leeyahay hadaf ah in uu mar uun gaadho kursiga ugu sareeya ee looga taliyo wadanka wuxu umadax banaanaan lahaa shaqada xisbiga, oo wuxuu iskaga tagi lahaa kursigan gudoonka baarlamaanka ee uu ku dhagsanyahay

Gun tii iyo gabo gabadii waxan lee yahay somaalidu waxay ku maah-maahdaa (nin wayn iyo naag naago ka umulsayba siday wax u arkeen wax uma sheegaan) meeshaa wax yaabaha ku qarsoon ee xibigaa kazoo bixi doona loo wada googee.

Qalinkii.Axmed C/laahi Jaamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here