Sida Booliiska Ciraaq u qabteen Wiil yar oo Waxyaabaha qarxa Jirkiisa lagu soo xidhay

0
143

Ciidamada booliiska magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan Wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 12-sano jir ilaa 13-sano jir, kaa oo xirnaa suun waxyaabaha qarxa lagu soo xiray.

Wiilkan yar ay qabteen ciidamada booliiska Ciraaq ayaa xirnaa funaanada ay ku ciyaarto kooxda Barcelana gaar ahaan numberka Ciyaaryahanka Messi, waxaana wiilkan gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo ka shakiyay.

Kaamirad ayaa qabatay Ciidamada booliiska oo wiilkan yar si qasab ah uga furaya suunka qarxyada ku xirnaayeen, wiilkan ayaana u muuqday mid aan ku faraxsaneyn fashilka ku yimid qorshihiisa uu ku doonayay in uu isku qarxiyo .

 
Saraakiil katirsan booliiska Ciraaq ayaa sheegay in ay baarayaan wiilkan yar ee waxyaabaha qarxa lagu soo xiray halka uu ka yimid iyo cida soo dirtay, waxaana hada lagu hayaa xabsi gaar ah ay ku baarayaan booliiska.

Qabashada wiilkan ayaa imaaneysa xili Habeen hore cunug yar la sheegay in uu isku dhax qarxiyay xaflad aroos oo ka socotay magaalo kutaala dalka Turkiga, qaraxaasi ayaana galaaftay nolosha in ka badan 50-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100-qof oo kale.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here