Burburka diyaaradii ku dhacday Masar oo la helay iyo Kooxda Daacish oo sheegatay

0
120

Diyaaradan oo ay la socdeen 224 qof, ayaa waxay ku dhacday Gobolka Sinai ee dalka Masar, xili ay ka soo kacday Magaalada Sharm El Sheikh, kuna sii jeeday Magaalada St. Petersburg.

Dhamaan dadkii saarnaa Diyaarada ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen shilkaasi, kadib markii duuliyaha ay u suuragali weysay inuu badbaadiyo dadkii la socday diyaarada.

Soo dhicida diyaarada ayaa waxaa sheegtay Maleeshiyaadka Daacish, oo baraha Bulshada kusoo daabacay inay iyaga ka danbeeyen dhicitaanka Diyaarada.

Daacish wax ay sheegtay in dhicitaanka diyaarada uusan aheyn cilad balse ay iyaga sabab u ahaayen kadib markii ay tilmaamen inay mudo hore ay kasii shaqeeyen soo ridida diyaaradaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Socdaalka Masar waxay xaqiijisay in diyaaraddu ku burburtay Bartamaha Sinai, inkastoo aanay kala cadayn waxa sababay burburkaasi.

Shabakadaha wararka dalka Ruuskha, ayaa qoray in cilad farsamo ku timid diyaaraddu, isla-markaana uu duuliyuhu qorsheynaayay in uu ka dejiyo garoon ku yaala Waqooyiga Sinai.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here