Shirkii Beelaha Garxajis Oo Maanta Hargeysa Ka Furmay , Xukuumadda Oo Fasaxday, Muddada Uu Soconayo, Ajandihiisa Iyo Xogo Kale Oo Dheeraad Ah

0
184

Hargeysa(SDN)Beesha Garxajis ee ay hadal-haynta qaban-qaabadiisu muddooyinkii u dambeeyey socatay ayaa saaka ka furmay  hoolka hudheelka Maroodi-jeex ee bariga magaalada Hargeysa. shirkan maanta furmaya ayaa  socon doona laba maalmood lagu wargeliyey xukuumadda Somaliland isla markaana ay ogolaatay.

 

Muhiimadda koowaad ee shirku ay la sheegay in ay  tahay is calool xaadhasho beesha Habaryoonis iyo beesha Cidagale ku turxaan bixinayaan waxyaabo beel ahaan u gaar ah, oo dhinaca dhaqanka u badan.

Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), oo hore u soo noqday wasiirka Qorshaynta ee Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta shirkan dhawaaqiisa taageeraysay, ayaa mar uu wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa uu caddeeyey in qorshuhu yahay in shirkaasi uu maanta furmo

 

 

“Shirku berri (maanta), ayaa uu furmayaa, waxa uu ka furmayaa Maroodi-jeex Hotel, waxaanu soconayaa laba cisho” ayaa uu yidhi siyaasi Cali Sanyare, isaga oo sii faahfaahinaya shirkana waxa uu hadalkiisa ku sii daray,

“Shirkani waa Shir nabadeed, waa shir lagaga wada hadlayo danta Beesha Garxajis, waana shir aan cidnaba wax yeelayn, cidnabana aan wax yeello u soo jiideeyn, waana shir dadka iyo dalkaba faa’iido u leh, waxaana rajaynaynaa in shirkan ay ka soo baxayaan go’aanno fiican oo dadka iyo dadkaba dan u noqda”

 

 

Dhinaca kalana Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha Habar Yoonis oo uu wargeysku wax ka weydiiyey shirkan ayaa isna dhinaciisa xaqiijiyey shirka furitaankiisa, waxa aanu hoosta ka xariiqay in uu yahay shir dhaqan ah oo aan khusayn siyaasadda, “Shirkaas aad I weydiisay, waa uu furmayaa berri (Maanta), laba maalmood ayaa uu soconayaa, waa shir dhaqan ah oo miisaanka dadka isugu imanayaa ay yihiin dad dhinaca dhaqanka u badan, waxa lagaga hadlayaana waa isturxaan bixinta labada beelood ee Garxajis (Cidagale iyo Habaryoonis) iyo in ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda, iskana calool xaadhaan haddii uu jiro wax ay kala tabanayaan” ayaa uu yidhi Suldaan Maxamuud oo sheegay in laga yaabo marka uu shirku soo xidhmayo in lagu marti qaado siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xukuumadda.

 

 

Shirkan waxa uu qorshihiisu ka soo bilowday shir badhtamihii bishii hore ay isugu yimaaddeen madaxdhaqameed iyo siyaasiyiin ka kala socda beelaha Cidagale iyo habaryoonis oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, Suldaan Cismaan Caddo Gude iyo Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir iyo sidoo kale, Muj. Axmed Mire Maxamed, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), Cali Ibraahin Maxamed (Sanyare), siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwan.

Marar kala duwan oo ay ka hadleen dhinacyada ku jiray shirkan hawshiisuna waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid ay isku calool xaadhanayaan labada dhinac ee beesha, isla markaana u badanaya arrimo dhaqanka ah, laakiin meesha kama’ay saarin in siyaasadda qudheedana lagu eegi doono. Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo isna dhowaan ka halday ayaa dad uu ku tilmaamay kuwo shaadhka xukuumadda gashan ku eedeeyey in ay shirka qas geliyeen. Dhinaca kalana madax-dhaqameed miisaan leh oo ka soo jeeda Koonfurta Bari ee Hargeysa ayaa iyaguna mar ay warbaahinta si wada jir ah ula hadleen sheegay in shirkaasi aanu khusayn isla markaana beeshoodu ka qaybgalayn.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here