Shirkada Telesom Iyo Hadal Haynta Bulshada Dhaliilaha Kala Duwan Ee Dadweynaha

0
376

Warbixini taxanaha ahaa ee ku saabsanaa shirkadaha is gaadhsiinta iyo xawaaladaha somalilada ee ka hawlgala jamuuriyada Somaliland maantana waxaanu ku soo qaadan doonaa shirkada is gaadhsiinta ee TELESOM.

Telesom waxay saaxada shirkadaha isgaadhsiinta ku soo biirtay  taasi oo si koboc leh u soo kacaysay waxayna soo bandhigtay adeegyo badan oo ay dadka ama macamiisheedu u mabsudeen kuwaasi oo ay ka mid yihiin adeega ZAAD oo dadku aad u wada mahadiyeen iyo adeegyo badan oo casri ah.

Shirkadani oo ah shirkadaha ugu cad cad Somaliland ayaa waxa lagu leeyahay sheer ama hanta wdaag taasi oo loo kala leeyahay qiimaha hoos ku xusan.

Saami Qaybsiga Shirkada

masuulka ugu sareeya oo sheerer kala duwan ku leh shirkadaha GOLIS Puntland iyo HORMUUD Somalia Waxa uu leeyahay =50%-60%
masuuliyiin kale oo reer Somaliland ah ayaa waxa ay wadageen sheerka soo hadhay oo cadedkiisu yahay =40%-50%

Xanta Shacbiga/Dadweynuhu U Soo Jeedinayo

  • In ay tahay shirkada dhiig miirato ah
  • In ay ka qayb qaadato sixir bararka dalka
  • In ay dadkeed 100% u celin
  • Ka qayb gashiga xayaysiiska goobaha caafimaad iyo dhakhatiir aan tayo lahayn

Amaanta iyo hadal haynta bulshada

Shirkada telesom oo ka mid ah hormuudka shirkadaha isgaadhsiinta ee gayigani laga jecel yahay taasi oo dalka ku soo kordhisay adeegyo badan oo dalka wax tar weyn u leh.

  • Shirkad dalka ku soo kor-dhisay adeegyo badan oo dadku u baahan yihiin
  • Bulshada iyo dadweynaha oo shaqo aan aad u badnayn ka helay.
  • Ka yab qaadashada adeegyada waxbarasho iyo adeegyo kale.

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa warbixin balaadhan oo ku saabsan adeegyada caafimaad iyo waliba shirkada telesom oo ka qayb qaadata goobaha caafimaad iyo dhakhaatiir sheegta in ay ku takhasuseen qaybaha jidhka kuwaasi oo aan aqoon buuxda laahyn.

 

Xafiiska War-Qabadka Hargeisa
Hargeisa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here