Shirkada Somtel Oo Abaalmarintii Ugu Waynayd Sanadka U Soo Bandhigtay Macaamiisheeda

0
109

Hargeysa(SDN) Shirkadda Somtel ayaa Habeenkii Xalay Xaflad aan nooceeda hore loo arag kusoo bandhigtay Badhtamaha Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana Wajahada hore Ee Dahabshiil Bank , Xafladdan oo lagu furaayay barnaamij Abaalmarineed Oo la Magac baxay “Hadal Oo hel” Hal Milyan Maalin kasta iyo Baabuur casri ah

Hadaba Ugu horayn waxa barnaamijkan Abaalmarinta ah faahfaahin aad u qoto dheer Ka bixiyay Madaxa suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdillahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “ Ugu horayn waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Macaamiisha kala duwan Ee Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group sida wanaagsan ee aad

 

uga soo qaybgasheen xafladdan aadka u balaadhan Ee shirkadda somtel ay idiinku soo bandhigayso Abaalmarinaha kala duwan Ee ay ka mid yihiin 30 Milyan Oo Shilling, Afar baabuur oo nooca raaxada ah iyo Hadiyado kala duwan sida 4G MIFI Qiimo ahaan waa Abaalmarin ka badan $40,000 ( Afartan kun oo dollar), Barnaamijkani waxa uu socondoonaa Muddo 30 Cisho ah  Maalinkastana waxa lagu guulaysandoonaa Hal Milyan Oo shilling sida oo kale maalinkasta shirkaddu waxa ay bixindoontaa Hadiyado kala duwan, maalinta u dambaysa 30 kaas cisho waxa lagu guulaysandoonaa Abaalmarinta ugu wayn oo ah Afar gaadhi oo ah nooca raaxada waxaana ku guulaysandoona afarta Qof ee nasiibkoodu siiyo,

 

hadaba Macaamiisha waxa looga baahanyay 1.  In Macmiilku kaadhkiisa Somtel uu ku shubto ugu yaraan lacag dhan $0.25 Cents iyo 2. Macmiilka waxa kale oo laga rabaa in uu Isticmaalo Adeegga Casriga ah Ee E.Dahab hadii aanu lahayna waa inuu Goobta ugu dhaw iska diwaangaliyaa, Macmiilka Guulaysta Maalintii waxa soo wicidoonta Shirkadda somtel oo kasoo garaacidoonta lambaro Gaar ah Oo aan ahayn kuwa macaamiisha , hadaba macmiil telefoonkaagu ha furnaado Wakhti kasta oo laguu baahdo, Barnaamijkan waxa aad kala socon kartaa oo aad ka daawan kartaa Habeen kasta SLNTV, waxa kale oo aanu Ogeysiinaynaa Dhammaanba Shaqaale waynaha Dahabshiil Group in aan loo Ogolayn Ka qayb qaadashada Abaalmarintan Qaaliga ah Ee macaamiisha loogu talagalay .

 

Waxa kale oo xafladdaas Ka hadlay Masuul sare Oo ka socday Shirkadda Dahabshiil Group Cawil Saalax Cabdi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Mahad naq balaadhan oo uu usoo jeediyay Dhammaan macaamiisha Dahabshiil Group Meel kasta oo ay joogaan sida oo kale Masuulkan ka socday Dahabshiil Group waxa uu faahfaahin dheerada ka bixiyay Adeegyada Casriga ah Ee Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group ay kusoo kordhiyeen Dalka sida Adeegga Casriga ah Ee Somtel 4G, E.Dahab, Micro-Dahab iyo Guud ahaanba Tiknoolajiyaddii u dambaysay Ee maanta Dunidda laga isticmaalayay in ay Dalka keentay Shirkadda Dahabshiil Group

 

 

Ugu dambayntii waxa xafladda soo xidhay Madaxa Waaxda Ganacsiga Ee Shirkadda Somtel Mohamed Rooble oo mahad celin aad u baladhan usoo jeediyay macaamiisha somtel, waxaanu  sheegay in abaalmarintani tahay qayb ka mida faa’idada shirkaddu ay macaamiisheeda ku celiso Markasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here