Shirkada Shidaalka Iyo Gaaska Ee Hass Oo Si Balaadhan Uga Muuqatay Carwada Ganacsiga 8-aad

0
204

Hargeysa(SDN)Shirkada caalamiga ah ee HASS oo si balaadhan uga dhex muuqatay carwada ganacsiga 8-aad ee Somaliland oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa gaar ahaan hotelka Guleed ayaa waxa ka soo qayb galay oo xadhiga ka jaray madaxwaynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi si uu u dhiiri galiyo ganacsatadana waxa uu goob goob u soo maray qaybaha kala duwan ee carwada.

Shirakda HASS oo ahayd shirkadihii ka soo qayb galay carwadaasi ayaa si balaadhan ugu soo ban dhigtay adeegyada ay bixiso gudaha hoolka ay carwadu ka socotay halkaasi oo ay ku sugnayeen shaqaale u carbisan adeegyada ay bixinayaan sidii ay bulshada ugu sharixi lahayeen.

 

Shirkada HASS oo ka mid ah shirkadaha keena Shidaalka iyo gaaska cuntada lgu karsado ayaa carwada ku soo ban dhigtay adeegyada ay bulshada u fuliso taasi oo horseed u ah raali galinta iyo kor u qaadida macmiilka waxaana goobta ku sugnaa shaqaale iyo masuuliyiinta shirkada HASS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here